Beesha Majeerteen oo sheegtay in ay Kalsoonadii kala laabatay R/wasaare Gaas
Muqdisho: (Sh. M. Network) Kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxgarad, siyaasiyiin, Saraakiil iyo aqoonyahano ka soo jeeda beesha Majeerteen ayaa waxa ay uga hadleen qabyo qoraaleedka Dastuurka Cusub ee loo sameynayo dalka iyo dhibaatooyin ay sheegeen in R/wasaare Gaas uu ku hayo dalka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay kulankaasi kadib oo uu warbaahinta u aqriyay Mursal C/laahi Xuseen Waceys ayaa lagu sheegay in R/wasaare Gaas uu jabiyay qeybinta xubnaha wasiirada ku xigeenada wasiir dowlayaasha iyo agaasimayaasha Guud oo uu y qeybiyay si ay ku jirto qabyaalad, waxaana sidoo kale lagu sheegay in aysan marnaba raali ka aheeyn qeybyo qoraaleedka Dastuurka cusub.
Intaasi kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay C/risaaq Saciid Mataan oo ka mid ah saraakiishii maanta ka qeyb gashay kulankaasi, kaasi oo sheegay in R/wasaare Gaas uu dhibaatooyin farabadan uu ka geystay wadanka Soomaaliya loona baahanyahay in lala xisaabtamo, wuxuuna carabka ku dhuftay in beesha Majeerteen ay kalsoonidii kala laabatay R/wasaare Gaas, ayna ka soo horjeedaan qabyo qoraaleedka Dastuurka.
Hadalka maanta ka soo yeeray waxgaradka Siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada Beesha Majeerteen ee maanta kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku xoo beegamaya xili maalmihii u dambeeyay magaalada muqdisho ay ka dhacayeen kulamo ay yeelanayeen waxgarad, siyaasiyiin iyo aqoonyahano ka soo jeeda beelo kala duwan kuwaasi oo ka soo horjeestay Dastuurka qobyo qoraaleedka.




