Ahmed Abdi Salam ex Horn Afrik was staying there.
Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Dhuusamareeb
SHABELLE MEDIA NETWORK MAY 1, 2012 COMMENTS OFF
Dhuusamareeb: (Sh. M. Network) Weerar Ismiidaamin ah oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud.
Qaraxaani oo ahaa weerar Ismiidaamin ah ayaa waxa lagu qaaday Hotel Magaalada Dhuusamareeb ay ka deganaayeen Mas’uuliyiin, Xildhibaan, Waxgarad, aqooyahanno iyo Siyaasiyiin oo uu horkacayay Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan oo muddooyinkii dambe ku sugana gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa cadeeyay in qaraxa uu ahaa weerar Ismiidaamin ah islamarkaana uu gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii ku sugnaa Hotelka ku yaalla Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud, waxanaa la tilmaamay in la ogyahay in qaraxa uu ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsan barlaman oo lagu magacaabo Xildhibaan C/wali, iyadoo Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kale ay ku dhaawacmeen.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in iminka ay tahay mid aad u mashquul badan oo ay buux dhaafiyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.



