Postby CoolPoisons » Tue May 01, 2012 9:58 am
DEG DEG: Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/Wali Maxamed oo ku dhintay weerar ismiidaamin ah
Weerar ismiidaamin ah ayaa wuxuu goor dhaw ka dhacay Magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud, iyadoo qaraxaan lala beegsaday wefdigii Axmed C/Salaan ee maal mahaan socdaalka ku maraaya Gobolada Dhexe.
Qaraxaan ayaa waxaa lala eegtay maqaaxi lagu shaaheeyo oo galbihii ay soo buuxiyaan bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusa Mareeb, iyadoo xilli goobtaasi ay camiran tahay ayaa waxaa isu qarxiyay nin xirnaa jaakadaha ka sameysan walxaha qarxa.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo Xildhibaan C/Wali Aw Maxamed, ay goobtaasi ku geeriyoodeen, iyadoo rag kaloo cul culus-na ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan, isla-markaana weerarkaan ismiidaaminta ah ayaa waxaa la-xaqiijiyay inay ku dhinteen ilaa 10 ruux.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Axmed C/Salaan Xaaji Aadan uu soo gaaray dhaawac, isla-markaana dhaawaciisu aanu kala cadeyn waxa rasmiga ah ee uu yahay, iyadoo loo-qaaday cisbitaalka guud ee Magaalada Dhuusa Mareeb.
Xildhibaan Axmed Cumar Gaagaale oo goobtaasi ku sugnaa ayaa waxaa la-xaqiijiyay in uu ka badbaadayWeerarka ismiidaaminta ah ee maanta lala beegsaday wefdigii maal mahaanba ku sugnaa Gobolada Dhexe.
Ciidamadda Ahlu Sunna Wal Jameeca ayaa waxay isu gadaameyn goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna aaggaasi ka daad gureeyeen meydad iyo dhaawacyada, isla-markaana waxaa weli goobtaasi yaalla meydka ruuxii isqarxiyay, oo go’go’ay.
Majirto cid sheegatay Masuuliyada qaraxaan, hase yeeshee waxaa loo-fishay mid ay ka dambeysay Xarakada Al Shabaab, bacdamaa iyadu looga bartay qaraxyada noocaanoo kala ah, inay ka geysato goobaha ay gacanta ku hayaan dhinacyada kale ee ka soo horjeeda.