Says Those Opposed Are 'Spoilers'.
Yuusuf Indhocadde ayaa sheegay in madaxda dowlada federaalka ay la kulmeen , kalana hadleen arrimo badan oo dastuurka ku jira loona baahan yahay in wax laga bedelo, arrinkaas oo uu ku sheegay in laga aqbalay.
Indhocadde ayaa intiimiyey in shaqsiyaadka ka soo horjeeda dastuurka ay yihiin kuwo ku qanacsan inuu sii jiro baarlammaanka hadda jira, isagoo kooxahaas ugu qaaqay inay joojiyaan mucaaradnimada , kana wardhowraan xukuumada.
Yuusuf Indhocadde ayaa ka digay kooxaha abaabulaya banaanbaxyada , isagoo sheegay in banaanbaxyadu ay wax u dhimi karaan nabadgelyada ka jirta magaalada Muqdisho.
Haddalka Yuusuf Indhocadde ayaa ku soo aadaya , kaddib markii isaga iyo rag uu ku jiro maalmo kahor loo diiday inay shirar ay ku qabtaan magaalada Muqdisho si ay u macaaradaan barnaamijka geedi socodka soomaaliya ee Roadmap-ka.
Wararka ayaa sheegaya in raga ugu badan ee mucaaradnimada kaga soo horjeeda dastuurka cusub ay yihiin kuwo ka baqaya inay waayaan kuraastooda baarlammaanka , sida uu saxaafada ka sheegay Yuusuf Indhocadde oo si deg deg ah ku bedelay mowqifkiisii hore, kaddib markii uu waayey jid uu kusii mucaarado dowlada, maadaama raga qaswadeyaasha ah loogu hanjabay in talaabo cad laga qaadayo.
Qolooyin kale ayaa jira oo danno gaar ah uga soo horjeeda Dastuurka cusub, kuwaas oo gacanta ku haya dhismayaashii shacabka soomaaliyeed iyo dhismoyaal kale oo ah hantida qaranka, wuxuuna dastuurka cusub meesha ka saarayaa danaha shaqsiyaadka doonaya in Muqdisho iyo koonfurta soomaaliya ay ku sii jirto dhibaatada maanta ka taagan.
