Madaxwayne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo Si caraleh ugu soo horjeestay Sida Dowlada KMG ah wax u wado
17. maj 2012
Allpuntland
Madaxwayne Faroole ayaa waxyaabii uu kahadlay waxaa kamid ahaa Arinta dastuurka qabyada ah ansixintiisa,Roadmapka iyo Xaalada Ani ee deeganada Maamulka Puntlad sida uu yahay.
Intaa kadib Madaxwayne Faroole ayaa kahadlay qaadicidii Ergada Puntlad Shirka Odayaasha Dhaqanka ee lagu soo Xulayay Ergada Ansixinta Dastuurka taas oo ay Puntlad Ergadii kasocotay ay kugacansartay.
Faroole oo inbadan kagaabsanaya kahadalka Arintaas ayaa yiri.
,,Arimaha Soomaaliya doorwayn ayaan kaqaadanay waxaan kaqaybgalnay Shirkii garoowe iyo kii Muqdisho waxaana intaas oo dhan usamaynay Sidii Dalka Nabad looga dhalinlahaa,Shirarkii aan qabanay ee looga hadlayay Arinta Soomaaliya waxbadan ayaan kaqabanay ka Puntlad ahaan lakiin qolyahaan TFG da ah ayaa wax walba isku qasaya ayuu yiri Madaxwayne Faroole.
Waxaa kale uu yiri Madaxwayne Faroole anaga waxaan soo gudbinay waxyaabaha aan kudhaliilayno Dastuurka qabyada ah waana soo dirnay Ergadii Ansixinta Dastuurka lakiin dhibaatada waxaa ay katimid Dowlada KMG ah oo diidan Arintaas in laxaliyo.
Sidoo kale Madaxwayne C/raxmaan Sheekh Maxamad Faroole ayaa kahadlay Sababta ay ugu gacan seereen Shirka Odayasha ee Muqdisho kasoconaya.
,,waaxaan aragnay Warqada uu kuqaranyahay Qodabada Dastuurka,wax kuyaalo oo laqaadankara ama la aqbali karana kumajiraan sidaas daraadeed waxaa go’aansanay inaan isaga soobaxno Muqdisho.
Ugu dambayn Madaxwayne Faroole ayaa sheegay inaanay kuqanacsanayn Puntlad Sida ay wax usocdaan waxaana go,aansanay buu yiri inaan Beesha Caalamka lasocodsiino Arintaan Isla markaana laysugu tago Itoobiya laguna Xaliyo qodabada laysku mari la’yahay taas ayaynu u aragnaa buu yiri inuu Xalka Kujiro.




