Baydhabo ( DHM-News ):- Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee kusugan gobolada Bay iyo Bakool aya aad u cambaareeyey falalka ay Al qaacidada Alshabaab u geystaan dadka kasoo horjeeda.
Gen. John oo hadal dheer ka jeediyey kulan ay magaalada Baydhabo kula yeesheen masuuliyiin Dawladda katirsan ayaa waxa uu sheegay in ay Al shabaab dilal macne darro ah u geystaan dadka rayidka ah.
John waxa uu sheegay in dadka ay dilaan Alqaacidada Alshabaab ay yihiin muwaadiniin kasoo horjeeda Al shabaab iyo cid kasta oo nabadhelyo darro ka wadda dalka taasina ay tahay mid aad loo dulqaadan karin.
Gen. John waxa uu tilmaamay in uu daawaday muuqaallo muujinaayey falal ay geystaan Al shabaab kuwaasi oo isugu jira dad la gawracaayo sidii xoolahii iyo dad inta la aaso dhagax lagu dilaayo taasna waxa uu ku tilmaamay wax xitaa ka baxsan shareecada islaamka.
“Idinka Islaam ayaad tihiin, siweyn ayaad u garanaysaan diinka Islaamka, aniga Kirishtaan ayaan ahay laakiin waxaan aaminsanahay in falalka Alqaacidada Al shabaab aanay ku jirin shareecada islaamka”, ayuu yiri Gen. John.
Taliyaha Ciidamada Ethiopia ee gobolada Bay iyo Bakool waxa uu ugu baaqay masuuliyiinta Dawladda KMG ah in ay keento qorshe lagu badbaadiyo noloshada dadka rayidka ah, sidoo kalena nidaam Dawladnimo looga hirgaliyo gudaha goboladaasi.
Ciidamada Ethiopia oo taageeraaya kuwa Dawladda KMG ah ayaa bishii February ee aan kasoo gunudbay waxay gacanta ku dhigeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Even a christian wonders which religion algeadian shabaab practice. Surely not the message of Muhammad(pbuh) wa aali Muhammad(pbuh).
For example the prophet PBUH didnt order the killings of munafiqeen(yet they were known) and he had peace talks with mushrikiin.
All of that is rejected by the corrupted religion of alqeadian shabaab.



