Page 1 of 2

Ogaden liberate afmadow

Posted: Fri Jun 01, 2012 1:47 am
by The_Emperior5
Degmada Afmadow oo si buuxda u gashay gacanta ciidamada DKMG ah, Raaskambooni iyo kuwa Kenya
Af-madow(Waaheen) Ciidamada dowlada KMG Somalia, Xarakada Raaskambooni iyo kuwa Kenya oo ilaa saaka hareeraha ka joogay degmada Afmadow ee gobolka Jubada ayaa wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in galabnimadii maanta ah ay gudaha u galeen degmadaas si buuxdana ula wareegeen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada huwanta ay dhowr jiho ka soo galeen degmada Afmadow aysana jirin wax rasaas ah oo halkaas ka dhacday ka dib markii xoogagii Al-Shabaab ee la dagaalamayey ay isaga baxeen degmada saaka.
Ciidamada galay degmada Afmadow ayaa dad goob joogayaal ah ku sugan degmadaas waxay sheegayaan iney ka muuqatay feejignaan dheeri ah, waxayna ku faafeen gudaha degmada, iyagoo lugeynaya, waxaana la sheegay in mid ka mid ah koontroolada magaaladaas laga maqlay rasaas kooban oo aan la ogeyn waxa ay tahay.
“Ciidamada soo galay waxaa hogaaminaya taliyaha ciidamada dowlada KMG Somalia ee gobolada Jubooyinka, Jen. Ismaaciil Saxardiid, gudoomiyaha Xarakada Raaskambooni Shiikh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) afhayeenka kooxdaas C/naasir Seeraar iyo saraakiil kale oo badan” sidaa waxaa yiri goob jooge ku sugan degmadaas oo magaciisa diiday.
Ciidamada ayaa hadda wada howlgalo miino baaris ah oo ay ka sameynayaan saldhiga Booliska, xarunta degmada iyo kontrolada ku yaala wadooyinka laga soo galo lagana baxo degmadaas si ay uga hor tagaan miinooyin loo maleynayo in ay goobahaas ku aaseen xoogagii Al-shabaab ee saaka magaaladaas ka baxay.
Ciidamada huwanta oo wata taangiyo iyo hub kale oo oculus oo ayaa la sheegay in xoogooda ay dhinaca kale u dhaafeen degmada Afmadow iyagoo u kala jiheystay wadooyin u kala baxa magaalada Kismaayo iyo degmada Jamaame oo sida la sheegay saaka ay ku baxsadeen xooqagii Al-shabaab ee degmadaas gacanta ku hayey, waxaana dadka degaanku ay sheegayaan in xaalada degmada ay hadda tahay mid degan saraakiisha ciidamada huwantana ay ku war geliyeen dadka degmadaas ku haray iney is dejiyaan.
Degmada Afmadow ayaa ah degmo istaraatiiji ah oo magaalada kismaayo u jirta 140-km, waana caasimada labaad ee gobolka Jubada hoose, waxayna noqoneysaa degmadii ugu weyneyd gobolka Jubada hoose ee ay gacanta ku dhigaan Ciidamada huwanta ee Kenya ay horkaceyso, waxaana ay qeyb ka noqoneysaa magaalooyin badan oo bilihii u dambeeyey ka baxay gacanta Al-shabaab.

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Fri Jun 01, 2012 2:14 am
by Faranacab
Suldaan, maanta anaa ku qoran anqaarta jaadka ah, hadduu Alleh kuu roonyahay waxaa inoo balan ah qaddada iyo gurigii ina goor xun qawrace ,

.. .magaca Ogaden wax ogol Idoor uun baa jira. :lol: :sland: :up:

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Fri Jun 01, 2012 2:17 am
by Eaglehawk
guul jubaland

beesha absame have contributed greatly to the liberation of jubaland


I think there is hope in getting adeer turki of the terror list, odayga can`t afford to spend time in guantanamo bay, ciyaal yar oo soldiers american ah ba meesha jooga, odayga metallica rock band sountrack bay ku torturekarenayan

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Fri Jun 01, 2012 2:17 am
by The_Emperior5
Suldaan, maanta anaa ku qoran anqaarta jaadka ah, :lol: hadduu Alleh kuu roonyahay waxaa inoo balan ah qaddada iyo gurigii ina goor xun qawrace , :lol: :lol:

.. .magaca Ogaden wax ogol Idoor uun baa jira. :lol: :sland: :up:

:lol: :lol: :lol: inoo so gur waliba jawaan weyn ino keena, Ogaden maalin ba maalinta ka danbeysa caasimadi Kismayo ku si dhowanaya hada xabad sigaaray idin jirta

hala dhanteeyo maanta


Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Fri Jun 01, 2012 2:23 am
by OAF
guul jubaland

beesha absame have contributed greatly to the liberation of jubaland


I think there is hope in getting adeer turki of the terror list, odayga can`t afford to spend time in guantanamo bay, ciyaal yar oo soldiers american ah ba meesha jooga, odayga metallica rock band sountrack bay ku torturekarenayan
:lol: :lol: :lol: odayga yeeinan metallica music ku bahdilin. :lol:

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Fri Jun 01, 2012 2:38 am
by Faranacab
Suldaan, maanta anaa ku qoran anqaarta jaadka ah, :lol: hadduu Alleh kuu roonyahay waxaa inoo balan ah qaddada iyo gurigii ina goor xun qawrace , :lol: :lol:

.. .magaca Ogaden wax ogol Idoor uun baa jira. :lol: :sland: :up:

:lol: :lol: :lol: inoo so gur waliba jawaan weyn ino keena, Ogaden maalin ba maalinta ka danbeysa caasimadi Kismayo ku si dhowanaya hada xabad sigaaray idin jirta

hala dhanteeyo maanta
:lol: :lol:@ xabad sigaaray idin jirta. War sow adigan ogadeen far god igu noqday,, oo Kismaayo sanka dushiisa ii saaray. Shacabka Afmadow ayaa horey looga hayaa : Ninkii sarta saran Suldaan Cali Weeye, Ninkii Dhulka jooga adoonkiisi weeye. Eega waxaan u malayn in Hanqadh, N.Y, Dangirl iyo Guhaadba ay safka hore ka galeen dhaantada oo ay leeyihiin Ninkii sarta saaran waa Gaandhi, ninkii dhulka jooga adoonkiis weeye. War Azania duushaye, bal intaan mirqaano aan ka daba duulno.. :lol:

Godane ma wuxu ku barjaynayaa Cadan dhexdeeda mise maqaaxidii inanta? :lol: :lol: Waxaan maqlay isga iyo ajaanibtii kale maalmo ka hor ayey ka hululeen.. meel ay jaan iyo cidhib saareena waa la garan la'yahay.

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Fri Jun 01, 2012 3:01 am
by The_Emperior5
Farancab war wa iska caadi hadaad Kismayo tagtiid halkaas na Ugaaz uun baad ka tahay reer Waamo wa ku so dhaweyn lahayeen, Amiir godane beryaha war kamnu hayn laakin sidanu wararka ku hayno wuxu jooga magaalada Marka eeh shabeelada hoose :lol: Hada oday Gandi wa dhowyahay sheekadisa wa inu xadhkaha uun isku xiidha. Farancab awoow meeshan Somalia wa mee walaan waxad leedihid wa inad xoog ku qadatid la isma dawado gandi wa u qayiley waleh :lol:

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Fri Jun 01, 2012 3:25 am
by Faranacab
Gaandhi intaan naqaano ayaa yar, :lol: laakiin waxa laga yabaa inuu noqdo Amiirka cusub ee geeska Afrika. :lol: :lol: Maskax iyo khidadba wuu isku darsaday, oo khasaaraha uu geeystay dagaalkiisu aad ayuu u koobnaan doona marba haddii Afmadow iyo Kismaayo si nabad ah kula wareego. :lol:

Godane iyo Gaandhi, :lol: kolka waxaa wata Gaandhi oo laba la eber diray. Siyaasadu waa nusqaan oo dharka kaa siibi karta, Alle ha na asturee... :lol:

Jumcaadaan soo tukane, Suldaanow booskaaga sii xajiso.

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Fri Jun 01, 2012 4:08 am
by Murax
Great news :up: :up:

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Fri Jun 01, 2012 11:12 am
by zingii
Magaca TFG raga wata ee dagaalka furintaas kaga jira waa la ogyahay.

Guulaysta ayaan leeyahay. :up:

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Sat Jun 02, 2012 3:34 am
by Keyse_0208
Image

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Sat Jun 02, 2012 3:47 am
by OAF
Warya keyse :lol: :lol: MJ ka naax...

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Tue Jun 05, 2012 5:50 pm
by Faranacab
Image

The Black Ahmed in the middle with Sahardid on left and Lt.Col.Nyaga on right side. Iga walle cagdheer madow kuwan ka hor ma arag..,, reer waamo sawir la'aanta eyey ku dhamaan.. :lol: :lol: :lol:

Image

Azanian Helicopter, donated by Yusuf Haji. :up: :lol: :lol:

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Wed Jun 06, 2012 5:58 am
by Colonel
Image
Azanian Helicopter, donated by Yusuf Haji. :up: :lol: :lol:
YA SALAAM, YA SALAAM, YA SALAAM our boys are in possession of helicopters (the deadly little bird) I think its fair to say that we're the only Somalis to have such firepower. The victory is near my brethren, I see it in sight.

Azania wa Ras Kamboni Image

Re: Ogaden liberate afmadow

Posted: Wed Jun 06, 2012 6:14 am
by insightful

Image

Azanian Helicopter, donated by Yusuf Haji. :up: :lol: :lol:
Are you know the Kenyan Army? :roll: