Sh. Daahir Aweeys: Xasuuqa Godane koonfurta ka wado Somaliland ayuu aqoonsi ugu raadinayaa
Hogaamiye diimeedka Xagjirka ee Xasan Dahir Aweys oo Masjid ku yaal Magaaladda Marko kula hadlayay Jameeca ku dukatay Salaada Casir ayaa markii ugu horeeysay shaaciyay in Hogaamiyaha Al-Shabaab Ahmed Godane yahay nin ku xiran Maamulka Somaliland.
“ Intaan dhalinyaradaan ku dhex jiray waxaan ogaaday in Ujeedka Ahmed Godane iyo Ibrahim Afakhani yahay sidii Somaliland loo aqoonsan lahaa balse shaqo ku lahayn jihaad,anigu waxaan dagaalka ugu jiraa in dalkaan lagu xukumo Kitaabka alle laakiin mar hadii xasuuqa bulshada Koofurta Somalia yahay mid aqoonsi loogu raadinaa Somaliland anigu waan ka soo horjeedaa mana aqbali karo” ayuu yiri Xasan Dahir Aweys.
Sheekh Aweys oo hadalkiisa dhiiranaan ka muuqatay wuxuu yiri “ Wiilashaan Godane,Afakhani,Gaab,Faruur iyo Sakariye anigaa la xidida,waxaa jira nin la yiraa Laba gumacle oo Isaaqa,wuxuu igu yiri ,waan xiriirnaa Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali,anigu hadalkaas shaki weyn ayuu I geliyay” ayuu yiri Xasan Dahir Aweys.
Xasan Dahir oo ay jameecada waydiiyeen sida uu ku xaqiijin karo in Xasuuqa Koofurta Somalia ka socda yahay mid aqoonsi loogu raadinaa Somaliland wuxuu yiri.
“ Ahmed Godane iyo Ibrahim Afakhani waxaan ku iri ,xaga Waqooyiga haloo diro Guuto ka fulisa hoowlgalada barakeysan ,wuxuu yiri dhulkaas waa nabad,hadalkaasi warbaa iiga baxay,tan labaad waxay tahay Godane iyo ragga la socda meesha waa lagu biilaa,oo rag aan qaraabo nahay,oo aan ka tilmaamo karo Wakiilka Shirkadda Dahabshiil u jooga koofurta Somalia Abdullahi Nurre Awdiini ayaa bil walba lacag siiyo’ayuu yiri Xasan Dahir Aweys.





