Raysal wasaare Gaas oo Odoyaasha ka codsadey iney soo gudbiyaan liiska xubnaha ansixinaya Dustuurka
Posted by Pi on June 18th, 2012
Muqdsiho(Pi) Raysal wasaaraha Dowlada FKMG Somaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta la kulmey Odoyaal dhaqameedyada ayuu ku booriyey iney si deg deg ah usoo gudbiyaan Ergadii aysoo xuleen xalinta Dustuurka qabya.
Raysal wasaare gaas wuxuu Odoyaasha u sheegey in dib u dhac ku yimaada ansixinta Dastuurka ay waxweyn u dhimayso howlaha kala guurka, sidaas awgeed wuxuu yiri waa inaad si dhakhso ah kusoo gudbisaan xubnihii aad usoo xusheen ansixinta Dustuurka.
Dowlada Puntland waxay horey u sheegtey in dhinacooda ay diyaar yihiin liiska xubnaha uga qayb galalaya ansixinta Dustuurka, iyagoo waliba raaciyey in xitaa xubnihii Baarlamaanka ee reer Puntland ay iyana diyaar yihiin.
Puntlandi.com
Muqdisho