They agreed on 8 points
Somaliland iyo Somalia oo Soo Dhaweeyay 8 Qodob oo ka soo baxay Shirkii London
June 21st, 2012
LONDON (Somaliland.Org)-Shirkii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Chevering House oo ku yaala duleedka London ee ay ku wada hadlayeen ergooyin ka kala socday Somaliland iyo Somalia, ayaa galabta si rasmi ah loo soo gabo-gabeeyay, waxaana shirkaasi laga soo saaray bayaan ka kooban sideed qodob oo la xidhiidha iskaashiga ay labadda dal wada yeelan doonaan mustaqbalka.
Shirkan waxa qodobadda ka soo baxay si wada jir ah u soo dhaweeyay wufuudii ka socotay labadda dal, waxaana ka mid ahaa qodobadii laga soo saaray inay Somaliland iyo Somalia iskaashadaan dhinacyadda Nabad-gelyadda, la dagaalanka Budhcad badeeda, argagixisadda, kalluumaysiga sharci darradda ah iyo in la hagaajiyo isku socodka xuduudaha labada dal ay yeelan doonaan mustaqabalka. Qodobadda kale ee baaqa shirkan laga soo saaray ka mid ahaa in Beesha caalamku ay ka shaqeyso gargaarka Somaliland iyo Somalia
Waxa kale oo warku intaasi ku darayaa in qodobadda Baaqaasi ku jiray la isku waafaqay ay ka mid tahay in labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya ay dhawaan ku kulmaan sadexda dal ee Imaaraadka carabta, Qatar iyo Swizerland midkood, isla markaana ay wada xaajoodka labadda dhinac intooda badan ay sii axadhaan marka ay isku yimaadaan.
Waxa iyana ka mid ahaa in wada hadaladdu ay sii socdaan oo la sameeyo Guddi farsamo. Waxa kale oo lagu heshiiyay in Dawladda Soomaaliya ay ka gudubto marxaladda ku meel-gaadhka ah.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkan iyo go’aamaddan ka soo baxay , waxaanu tilmaamay in kulankani uu ahaa mid hordhac ah oo sii socon doona.
Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/Samad Macalin Maxamuud, ayaa isna sheegay inay soo dhaweynayaan wada hadaladan oo uu ku sifeeyay kuwo hordhac ah oo la sii ambo-qaadi doono.
Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa isaguna shirkan ku macneeyay mid ku dhammaaday jawi wanaagsan.
“Waxaan u arkayay shirkan fursad fiican, waana markii u horeysay ee Somaliland iyo Soomaaliya is horfadhiistaan muddo 21 sanadood ah. Waxa shirka ka soo baxay baaq sideed qodob ka kooban oo aanu dhammaantood ku heshiinay,”ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.
Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu ku faraxsan nahay inaanu anagoo siman oo labada dawladood ah Somaliland iyo Soomaaliya is hor-fadhiisano oo wax is weydiino.”





