ASWJ Konfured, Raskambooni iyo IGAD shir (no azania lol)
Posted: Thu Jun 28, 2012 7:59 am

Nairobi, Kenya (AOL) – Wararka naga soo garaya Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadnka Kenya aya waxaay tibaxayaan in Magaaldaasi u ka socdo qabanqabada Shirweyne ay iskugu imanayaan Maamulka Ahlusunna ee Gobollada Konfureed iyo Jabhada Raskambooni iyo Urur Goboleedka IGAAD.
Shirkaan ayaa waxaa diirada lagu sarayaa sidi Maamul ay dadka daga Gobolada Jubbada hoose Jubbada dhexe iyo Gedo u dhanyihiin loga dhisilaha waxaana qaraashaadka shirkaani ku baxaya iska kashanaya Urur Goboleedka IGAAD iyo waliba beesha Calamka.
Shirkaan ayaa waxaa uu Maalinta bari ah ka furmayaa Magaaalada Nairobi ayado aan wali la shegiin inta malin uu socon doono.
Shirkaan aya waxaa si weyn uga dhexmuqandoono Hogaamiyaha Ahlusunna ee Gobolada Konfureed Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax oo asagu ka mid ah Saxiixeyaasha Roadmapka iyo Sh.Axmed Madoobe oo asaguna ka socda Jabhada Raskambooni waxaa sido kale ka qayb qadanaya Kulankaas Siyaasiyiin misaan culus leh oo ka kala socota dhinacyada wada hadlaya.
Ila wareedyo ku sugan Magaalada nairobi oo siweyn ula socday qabanqaabada Shirkaan ayaanu ka soo xigenay in uu wali muraan ka taganyahay arinta ah in Shirkaani laga qayb galiyo Maamulka Azania iyo Waliba Maamulka Dowlada kmg ah ee Gobolka Gedo waxana wali mowqif adag tagaan Masuliyinta Ahlusunna Waljamaca oo ayagu aminsan in aan Azania lo ogolaan ka qaybgalka Shirka waxaa sido kale ayaguna dhankooda aan la dhacsanayn ka qaybgalka Azania ee Shirka Jabhada Raskambooni.
Urur Goboleedka IGAAD aya indhawaaleba ku mashquulsana sidi uu Maamul sal adag uga dhisilahayeen Gobolada Jubbada hoose Jubbada Dhexe iyo Gedo oo uu XIriiriyo wabiga weyn ee Jubba waxaana horay Magaalada Adis Ababa uga dhacay Shir ay ka qaybgaleen Masuliyin ka socotay Maamulka Ahlusunnada Konfureed kaas oo loogu gogool xaraarayay Kulanka maalinta bari ah ka bilaban doono Magaalada Nairobi.
Lama saadaalin karo waxaa uu ku dhamaan doono kulankaasi xasaasiga ah ee bari ka furmaya Magaalada Nairobi balse waxaa cad hadii ka qaybgaleyaasha kulankaasi ay ku heshiyaan in ay Maamul ay u dhanyihiin wada dhistan in xalki Jubbaland la garay waxana lagu sababeyn kara Maamulada Meesha iskugu imanaya oo ah Maamulo Awood u leh in ay fuliyaan go,aamada lagu heeshiyo maadama ay yihiin Maamulo ka howlgala gudaha gobolada laga wada hadlaayo wa Maamulka Ahlusunna iyo Jabhada Raskambooni.


