Maleeshiyada Kooxda Shabaab Oo Faarujiyay qeybo Ka Mid Ah Gobolka Hiiraan
Published on July 6, 2012 by Canab · 1 Comment · 2,270 views
Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab ayaa faarujiyay Degmada Buulabarde iyo Deegaanno kale oo hoostaga Gobolka Hiiraan kadib markii ay soo foodsaartay cabsi ay ka qabanaan Dhaqdhaqaaqyo ay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ka wadaan Gobolkaasi.
Maleeshiyada Al-qaacidada Soomaaliya ee shabaab ay faarujiyay dagmooyinka Buulabarde, Halgal iyo Jalalaqsi oo katirsan gobolka hiiraan kadib markii ay ciidamada XDS bilaabeen dhaqdhaaqyo ciidan si qeybaha ka harsan gobolkaasi looga xureeyo kooxdaasi.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan dagmada Buulabarde ayaa inoo xaqiijiyay in maleeshiyaadka shabaab ay ka bexeen deegaanaadaasi iyagoo watagawaari.
Ka bixitaanka maleeshiyada shabaab ayaa timid kadib markii ay soo wajahday cabsi ay ka qabaan ciidamada qalabka side Soomaaliya ee naftooda u huray difaaca dalka si shacabka looga korqaado dhibaata ay ku hayaan kooxda shabaab.




