Dr Faroolle: “Hadde hadii la kala tago ogaada dadka ugu liita ma nihin”[Dhagayso]
July 19, 2012 // Warar Somaali
Madaxwayanha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle oo maanta ka hadlayay furitaanka shirka haweenka Soomaaliyeed ee ka furmay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay inuu ka mid yahay dadkii dhibaatadu ay soo gaartay wixii ka dambeeyay burburkii dowladii dhexe ee dalka.
Waxaa uu sheegay madaxwaynuhu isaga iyo carruurtiisu inay ka barakaceen hantidoodii markii ay dhacday xukuumadii dalka ka talinaysay.
“Anigu waxaan ka mid ahaa bariisimaadkii intii xumuhu jirayn wax badan baa isoo gaaray, laakiin cidna u mahaysto,dadkii soo qaxay baan ka mid ahaa oo wixii hanti uu lahaa baaba’een, ciyaalkiisii wax gaareen laakiin cidna maanta u mahaysto ee waxaa dadka ugu yeeri lahaa wanaagga iyo nabad.”ayuu sheegay Dr Faroolle oo hadlakiisa ku furfurtay dadka Soomaaliyeed marka xaqiiqda laga hadlo inay dadku ku ceebeeyaan ,balse uu isagu gudanayo waajibaadkiisa wax kasta oo xumaanta ahna dadka ka reebi doono.
“Ciddii nagu nibcaysata oo dowlad Soomaaliyeed oo Faderaal ah oo faderaal ku dhisan oo anagu u ololaynaa hadde ogaada hadii laka tagano manihi dadka ugu liita, waad ogtihiin khayraad baan haysnaaa, dad badan oo wax yaqaan baanu haysanaa, dal balaaran baanu haysanaa, waxaaba dhici karta inaanu wax tarno”ayuu yiri Dr Faroolle oo intaasi raaciyay Soomaalidu inay isku baahantahay loona baahanyahay gacmo wada jir inay wax ku qabtaan



