Mogadishu Arbaco 8 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype)
XMJS oo u dabaal degay sanadguuradiisa 14aad soona war-murtiyeed dhinacyo badan.
Xaflado ku saabsan sanadguuradii 14aad ee ka soo wareegtay aasaaskii xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 6-da bisha Agoosto ayaa lagu qabtay xarunta xisbigaas ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadaas ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo9 Heeso ka turjumaya waxqabaadka xisbiga kuwaasoo ay soo bandhigeen koox fanaan ah oo xisbigaas uu leeyahay, iyadoo sidoo kale ay buraanburo ka tiriyeen haweenka xisbigaas.
Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga MJS Cali Maxed Nuux (Timajilic) oo khudbad ka jeediyey munaasabadaas ayaa ku dheeraaday taariikhdii, waxqabadkii xisbigaas iyo marxaladihi kala duwanaa ee uu soo maray isagoo xusay in xisbigu uusan aheyn mid qabiil, kana mid aheyn kooxaha
hubeysan ee dalka ka jira ama soo maray.
“Maanta taariikhdu waa 6-da bisha Agoosto waxay ku beegan tahay sanadguuradii 14aad ee ka soo wareegtay asaaska xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyed, anigoo ku hadlaya magaca gudoomiyaha xisbiga iyo keygaba waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan shacabka Soomaaliyed gaar ahaan taageerayaasha xisbiga ee kala jooga gudaha iyo dibeda
dalka waxaana ALLE uga baryayaa inuu sanadkan kiisa kale ku gaarsiiyo barwaaqop nabad iyo guul” ayuu yiri Mudane Timajilic.
Gudoomiye ku xigeenka xisbiga MJS Cali Maxed Nuux (Timajilic) ayaa sheegay in xisbigala aasaasay 14 sano ka hor ka dib markii madaxda xisbiga ay arkeen baahida loo qabo xisbi noocan ah, sababo la xiriira duruufaha adag ee dalka ka jiray awgeed, isagoo xusay in ujedooyinkii loo aasaasay ay wax badan ka qabsoomeen kuwa kalena ay tiigsanayaan mustaqbalka sidii ay ku gaari lahaayeen.
“Ujeedooyinka iyo hadafka xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah in xukunka loo maro doorasho xalaal ah oo ah hal qof iyo hal cod lana joojiyo qabiilka iyo qoriga la daba ordayo oo siyaasiyiinta qaar ay moodeen iney wax ku noqon karaan hase ahaatee lagu hungoobay” ayuu yiri Cali Maxed Nuux (Timajilic).
Dhinaca kale, Gudoomiye ku-xigeenka xisbiga MJS Cali Maxed Nuux (Timajilic) ayaa sheegay in gudoomiyaha xisbiga ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Somalia C/nuur Axmed Darmaan uu maalmaha soo socda soo gaari doono dalka si uu bilaabo ololaha doorashada dhowaan uu u tartami doono.
Xisbiga midnimada jamhuuriga Soomaaliyed oo maanta u dabaal degay sanadguuradiisii 14aad ayaa ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee ka jira dalka, kuwaasoo ka hufan, qori, iyo qabiil, aminsana in xukunka dalka lagu raadiyo dimoqraadiyad, shacabkuna ay so xor ah u doortaan madaxdii hogaamin laheyd mustaqbalka.
Waxaa xusid mudan in munaasabado kale oo tan la mid ah ay ka dhaceen qaar ka mid ah magaalooyinka gobolada dalka iyo dibeda waxaana khudbado ka jeediyey wakiilada xisbiga ee magaalooyinkaas jooga.




