Kismaayo (RBC) War goor dhow naga soo gaaray magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa waxa uu sheegayaa in magaaladaasi lagu gaaray Gantaalo xoogan.
Wararaka ayaa sheegaya qaybo kala duwan oo ka tirsan magaalada in ay ku dhaceen Gantaaladaan oo gaarayay ilaa iyo Lix Gantaal oo ahaa kuwo xoogan dhawaqooda laga maqlayay magaaladaasi.
Warka wuxuu intaa uu ku darayaa in Gantaaladaan ay ka soo dhacayeen, ama laga soo ridayay maraakiib taagan xeebaha magaaladaasi Kismaayo.
Dad goob joogayaal ah oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in hawada magaalada lagu arkayay holac iyo Iftiin ay bixinayeen Gantaaladaan caawa lagu garaacay magaaladaasi.
Sidoo kale saraakiil ka tirsan dowlada oo aan la hadalnay ayaa xaqiijiyay in magaalada la duqeeyay, laakiin way ka gaabsadeen in ay bixiyaan Faah faahin intaasi ka sii badan.
Caawa ayaa waxaa kacsan xaalada magaalasdaasi, waxaana la sheegayaa in ciidamada Al-Shabaab ay intooda badan faarujiyeen gudaha magaalada isla markaana ay isugu tageen meelo ka baxsan magaalada.
Saacadihii ugu danbeeyay ayaa dhaqdhaqaqyo xoogan laga dareemayay deegaanada gobalada Jubooyinka kuwaasi oo ay wadeen ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya.
http://www.raxanreeb.com/2012/08/deg-de ... magaalada/




