War Cusub:Mahiga Somalia we will proceed without Aala Sheekh
Posted: Wed Aug 22, 2012 5:34 pm
Muqdisho (RBC) waxaa maanta markale kulan wada yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Augustine Mahiga iyo Sheekh Shariif oo ah madaxweynaha dawladii waqtigeedu dhamaaday iyagoo markale dood kulul ka yeeshay diidmada guddiga farsamada ee xulista baarlamaanka ay diideen taageerayaasha Sheekh Shariif oo weli intoodii badneyd ka maqan yihiin baarlamaanka cusub.
Ilo wareed ku dhow shirkan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa Raxanreeb u sheegay in Sheekh Shariif uu di aad ah uga dooday in taageerayaashiisa Aala Sheekh ee loo diiday baarlamaanka lagu soo daro, isagoo ka digay in dhibaato ay ka iman karto haddii arintan ay ku sii adkeystaan xubnaha guddiga farsamada.
Hase yeeshee shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Mahiga iyo Sheekh Shariif ayaa Mahiga wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in tirada ku jirta baarlamaanka Soomaaliya ee hadda shaqeyneysa ay yihiin in ku filan inay hawsha qabtaan isla markaana wuxuu Mahiga ka leexday inuu toos uga hadlo waxa laga yeelayo taageerayaasha Aala Sheekh ee lagu calaamadeeyay“dagaal oogayaalnimo” ee weli baarlamaanka bannaanka ka jooga.
“Waxaan kulan la yeeshay guddiga farsamada, sidoo kale waxaan kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka waxaana qabaa in Soomaaliya ay leedahay baarlamaan ku filan inuu hawsha sii wado” ayuu yiri Mahiga oo dhinaciisa uu taagnaa Sheekh Shariif.
http://www.raxanreeb.com/2012/08/sharii ... aahfaahin/