Walle iyo bile, he speaks the truth:
Faarax Macallin: "Meles Zenawi dhibaatada Soomaaliya lug ayuu ku lahaa"
Mogadishu Khamiis 23 August 2012 SMC
Naga soo wac halkan (Skype)
Skype Me™!
Faarax Macallin: "Meles Zenawi dhibaatada Soomaaliya lug ayuu ku lahaa"
Xildhibaan Faarax Macallin oo Guddoomiye K/Xigeen ka ah Baarlamaanka wadanka Kenya ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aadan geerida Meles Zenawi ku timid, saameynta ay ku yeelaneyso wadamada geeska Afrika, isagoo sheegay in wadamada qaaradda Afrika uu ku hayay dhiabato weyn.
Waxa uu sheegay Md. Faarax Macallin oo u waramayay idaacadda VOA-da in dad badani ay aaminsan yihiin in Meles Zenawi uu ahaa geesi ka tegay qaaradda Afrika, wuxuuna tilmaamay in labaatankii sano ee la soo dhaafay uu lug weyn ku lahaa dhibaatada Soomaaliya.
"Soomaaliya waxay joogtaa xilli ay kala garaneyso cadowgeeda iyo midka u damqaday" ayuu yiri Faarax Macallin oo sheegay in Ra'iisal Wasaarihii Itoobiya ee geeriyooday uu ahaa ninka mas'uulka ah dhibaatada Soomaaliya ku habsatay.
Waxa uu sheegay Faarax Macallim in Meles Zenawi ay caalamka u heystaan inuu la dagaalamayay argagixiso, hase yeeshee wuxuu tilmaamay inuu isagu abuuray argagixisada Soomaaliya iyo kooxaha dagaalada ka wada dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Guddoomiye K/Xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Meles Zenawi dowladiisu ay tahay midqabiilka ku dhaqanta oo dalka ka abuurtay nidaamka qabiilka, wu