Xildhibaanadii uu C/weli Gaas keensaday oo hor tuban guriga Farmaajo
Published On Friday, August 24, 2012 By Doha Shabelle Media. Under: Wararkii ugu Danbeeyay.
Xildhibaan Xassan Xaaji ayaa sheegay in hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay musharax Maxéd Cabdullaahi (Farmaajo) inuu noqday halka ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho, isagoo xusay in xildhibaanada baarlamaanka ay maalin walba ay soo buux dhaafiyaan guriga Farmaajo, ayna u muujinayaa kalsoonidooda ku aadan in ay codadkooda siinayaan marka la gaaro tartanka doorashada.
“Xildhibaanada beelaha Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan Daarood & Hawiye waxey soo buux dhaafiyaan hoyga uu Farmaajo degan yahay, marka aad isku fiiriso Cabdiweli oo isku gadaamay 20 xildhibaan oo beeshiisa ah & Farmaajo oo aad ka dhex arkeyso Soomaali oo dhan waxaad dareemeysaa inuu jirto farqi weyn oo u dhexeeya labadda nin`ayuu yiri Xassan Xaaji, wuxuuna intaa ku daray in Cabdiweli uu galay xero qabiil, halka Farmaajo na uu sheegay inuu ku jiro xeyndaab Qaran`
Sidoo kale Xildhibaan Xassan Xaaji wuxuu sheegay in Farmaajo lagu xusuusto 6-dii billood ee uu dhidibada u aasay maamul wanaag & hanaan dowladeed oo qof waliba lagula xisaabtamayo wax qabadkiisa.
Farmaajo wixii uu qabtay ilaa hadda waa wax Soomaali oo idil ay si practically ah u aragtay, waxaana xaqiiqo ah in xildhibaanadu u codeyn doonaan xaqa`ayuu yiri Xassan Xaaji.
Doha Shabelle, Muqdisho.
http://www.dooxadashabeelle.com/xildhib ... -farmaajo/