Farmaajo oo haysta Codka 138 Xildhibaan iyo Musharaxiin u Tanaasulay.
admin | Aug 26, 2012 | 1 comment
Waxaa xalay hooyga magaaladda Muqdisho uu ka dagan yahay Murashax Farmaajo shir xasaasi ah ku yeeshay Odaaal dhaqameedyo iyo xubnaha Xildhibaanadda ah ee Beesha Sade Daarood oo gaaraya 14ka xildhibaan.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay Arimo badan isla markaana lagu lafa gurayay Sidii Beesha Sade Musharaxiiintooda madaxweynaha u sharaxan ay ugu tanaasuli lahaayeen Raysal Wasaarihii hore ee Soomaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Ayagoo ku micneeeyay in Farmaajo uu haysto taageeridda uggu badan ee xildhibaaanadda isla markaana aay haboon tahay inaay tanaasulaan musharaxiinta beeshaan kasoo jeeda si aan codka 14 kaan xildhibaan uusan u kala dhantaalmin.
Dood iyo Falan qayn dheer kadib ayey odayaal dhaqameedyada iyo Ugaaska Beesha Sade isku raacen inaan hal xubin oo ka mid ah Xildhibaandda Beeshu aaysan codkooda siin karin Shaqsi kale oo musharax ah isla markaana aay sidaay u dhan yihiin codkooda siiiyaan Farmaajo.
Dhanka kale Musharaxiintii u taagnayd Xilka Madaxwaynanimadda ee kasoo jeeday Beeshaan ayaa sitoos ah u ogolaaday dalabka ugaasyadda iyo Odayaal dhaqameedyadda ayagoo ku amaanay in aay qabteen shaqo wanaag kadib markii aay soo xuleen 14 xildhibaan oo beeshaan ah oo wadda aqoon yahano ah inkastoo aay sheegeen qaarkood inaay habooneyd in Beesha Sade Xildhibaanadeeda laga dhex arko Haween balse aay Suuroobi wayday.
Sikastaba ha ahaatee, Musharaxiintii u tanaasushay in kursiga lagu taageero Farmaajo ayaa waxaa ka mid ahaa:
1. Generaal Maslax Maxamed Siyaad
2. Bashiir Nuur Looyaan
3. Cabdiwaaxid Cilmi Cumar (Goonjeex)
4. Saacid Faarax Garaad
Iyo Qaar kale oo badan balse tanaasulidda Musharaxiintaan loo arkayey inaay kala dhantaali kareen codka Beeshaan oo tanaasushay ayaa waxaay ka dhigan tahay dhabar Jab Lagu riday Shariif Xasan Shikh aadan oo Sidda la sheegay Asagu qaar kamid ah Musharaxiinta usku dayey inuu ka horgeeyo Farmaajo si codka Beeshiisa u kala dhantaalo balse Arintaas ayaa kala haaday kadib markii odayaashu dadaal dheer ku qanciyeen inaay tanaasulaan Musharaxiinta Beesha Dhex deeda ah.
Codka Farmaajo heysto iyo rajadiisu waa Inteee?
Sidda uu ii Sheegay mid kamid ah Xildhibaanadda saaxiibka dhow la ah Farmaajo Wuxuu ii Cadeeyay in horey uu haystay Farmaajo Codka 124 Xildhibaan ayadoo uu xildhibaankaanuna uu Sheegay inaay jiraan Xildhibaano Cusub oo mar walba yimaada hooyga Farmaajo ka dagan yahay Muqdisho isla markaana u muujiya taageero balaaran.
Sidoo kale Xildhibaankaan ayaa falanqeeyay in Codka 124taas Xildhibaan ee Soomaliyeed marka lagu daro Codka 14ka Xildhibaan ee Beesha Sade ee Farmaajo ka dhashay aay taasi Cadaynayso in Farmaajo kalsooni Weyn ku qabbo in Wareega Koowaad ee Doorashadda uu kusoo baxayo.
Sikastaba ha ahaatee Codka guud ahaan uu hadda Farmaajo gacanta ku haysto ayaa gaaraya 138 Xildhibaan ayadoo taasi aay cadaynayso in farmaajo wadmooyee aan cidina ka xigin kusoo bixidda Awooda qaranka.
Cali Yasin Gurbe, Gothenburg.





