Professor Jawaari speech and CV
Posted: Sun Aug 26, 2012 11:22 pm
His speech today
A former Somali Minister, Instructor, Professor, Consultant, Author, Scholar
A former Somali Minister, Instructor, Professor, Consultant, Author, Scholar
TAARIIKH NOLOLEED-KA PROF: MOHAMED SHEIKH CUSMAAN AADAM ( JAWAARI ) OO KA MID AH RAGA UGU CAD CAD DOORASHADA GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOMALIA.
Magaca: Muxammad Sheikh Cusmaan Aadam “Jawaari”
Goobta iyo Taariikhda Dhalashada: Afgooye , Soomaaliya, Deseembar 07, 1945.
TACLIIN IYO TABABARRO
• Qalinjebin: Kulliyada Qaanuunka – Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed – Moqdisho, Somalia, 1982,
• Shahaado Macallinnimo, Machadka Macallimiinta (Istatuto Magistrale/aggiornamento magistrale) , Mogadishu, Somalia, 1967.
• Diploma in Islamic Law, Machad Daraasaad Islaami – Istituto Disciplina Islamica – Mogadishu, Somalia, 1964
• Shahaado Macaallinimo af Ingiriisiga, UNESCO, Mogadishu, Somalia, 1962
LUQADAHA
• Waxaan ku hadlaa, qoraa akhriyaa afafka: Somaliga (oo Maay & Maxaatiriba leh), Carabiga, Ingiriisiga, Taliyaaniga iyo Norwejiga.
XILALKA IYO SHAQOOYINKA HEER CAALAMI IYO HEER QARAN
• Senior Consultant Constitution Building: Somalia Constitution Making Support Project – UNPOS/UNDP – May 2008 – December 2011;
• Guddoomiyaha Guddiga Khubarada (CoE) – Dib-u-eegista Qabyoqoraalka Dastuurka iyo Diyaarinta Dastuurka loo dirayo ansixinta ku-meel-gaarka.
HEER QARAN: XUKUUMADDA SOOMAALIYA: 1971-1990
• Wasiir: Wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka.
• Wasiir: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada.
• Wasiir-kuxigeen: Wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka.
• Xildhibaan: Xubin Golaha Shacabka. 01/1984 – 05/1990
• Xoghaye Joogto: Wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka. 1984-1985
• Xoghaye Joogto: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1979-1984
• Agaasime Guud: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1975-1979
• Ku xig. Ag. Guud: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1973-1974
• Ag. Waaxda Shaqada: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada 1974-1975
• Madaxa Qaybta Baarista shaqada: W/ Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1972-1973
• Isuduwaha Xafiisyada Shaqada Gobollada: W/Garsoorka Shaqada iyo arrimaha Diinta 1969-1972.
KHIBRADAHA QAAANUUNIGA
• Xubin ka mid ah Guddiga Farsamo ee Diyaarinta Dastuurka Jumhuuriyadda Soomaaliya. Mogadishu, Somalia. 1989-1990 – Guddigan wuxuu Qormadii Dastuurka u Gudbiyeen Golaha Shacabka . Dood muddo b5 bilood socotay ka dib waxaa la ansixiyey 12ki Oktobar 1990 waxaa Faafinta Rasmiga ah lagu soo saaray 14 Oktoobar 1990.
• Guddoomiyaha Kooxda (Panel) Diyaarinta Sharciga Shaqada Soomaaliyeed ( Somali Labour Law) iyo Sharciga Shaqaalaha Rayadka ah ee Dawladda (the Somali Civil Servants Law) -Mogadishu, Somalia.1970 – Guddiga wuxu dib-u-habayn ku samayey habka meeleynta Shaqaalah Dawladda, wuxuuna hirgeliyey jagooyinka “Xoghaye Joogto” iyo qiimaynta Xirfadleyda iyo Farsamo yaqaanada – heerka Sharciga Shaqaalahana wuxuu aad u waafajiyey heer xuquuqda caalamiga ee loo oggol yahay Shaqaalaha.
1991 – 2008
Waxaan xilal iyo shaqooyin kala duwan ka qabtay Dalka Norway, oo ay ka mid yihiin
• Macallin dugsiyada Sare ee Koofurta Trøndelag
• Xubin ka mid ah Guddi dhexdhexaadinta khilaafaadka – (Trøndelag Konfliktrådet) – Wasaaradda Garsoorka;
• Kaaliye Qareen – Leif Strøms Jus-Informasjonen law firm;
• Xoghayaha Guud – Guddiga Fulinta Muslim Sosciety of Trondheim, Norway;
• Xubin ka mid ah Muslim/Christian Interfaith Forum for Dialogue, in Trondheim & Trøndelag
• Xubin ka mid ah Guddiga ka hortagga Midabtakoorka -Kontaktforum mot Rasisme og diskriminering , Trondheim, Norway
• Xoghayaha Ururka Qareemada Caalamiga ah ee Trondheim – International Lawyers Association, Trondheim, Norway.
PUBBLICATIONS: BOOKS
• Barashada Fagaagga Sare Adduunka:
Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN. 9788292645-33-8
• Taariikhda Norway 1814-1920 (History of Norway 1814-1920).
Published by Asheim Ungdomskole. 2007. ISBN: 9788292645-27-7
• Dalka Norway. Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN: 82-9264500-4.
