Muqdisho (RBC) Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mar ahaan jiray afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ee shalay doortay gudoomiyaha cusub ugu goodiyey inuu dib siyaasada ugu soo laaban doono afar sano kadib marka waqtiga dawlada cusub ee dhamaado.
Shariif Xasan oo la hadlay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka oo qaarkood shalay la kulmeen kadib markii uu xilka afhayeenka baarlamaanka ku guuleystay Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa u sheegay inuusan marnaba ka raja dhigin siyaasada oo uu dib ugu soo laaban doono.
“Waxaan inoo ballan ah afar sano kadib” ayuu si kaftan leh ku yiri Shariif Xasan oo uu ka muuqday daal badan habeenkii xalay isagoo ay dhinac fadhiyeen qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku jira baarlamaanka cusub, waxaana hadalkiisa loo fasortay inuu abaabul siyaasadeed soo sameyn doono marka ay dhamaato afarta sano ee soo socota ee dawladan cusub ay shaqeyneyso.
Guusha Prof Jawaari inkastoo aad loo filayey, waxaa hadda xusid mudan in C/weli Muudey oo ahaa gacanyarihii Shariif oo isaguna u sharaxnaa jagada gudoomiye ku xigeenka uu isaguna ku guuldareystay doorashadii xalay kadib markii Jeylaani Nuur Iikar loo doortay xilka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, arintaasoo markale quus ku riday taageerayaasha Shariif Xasan oo markii horaba ka walaacsanaa guusha Jawaari.
Maqnaashaha Shariif Xasan iyo fursada ku jirta!
Hadalheynta ugu badan ee gudaha dalka ayaa ah inuu meesha ka baxay Shariif Xasan oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu sameynta badan siyaasadda dalka isla markaana loo aaneynayo inuu abuuray khilaafaad fara badan oo dawladaha dalka soo maray ragaadiyey, waxaana ka bixida uu siyaasadda ka baxay ay dad badan u arkaan mid fursad u ah deawladnimada Soomaaliya.
Hase yeeshee, dadka qaba dareenkaasi waxay kuu sheegayaan in weli hooskiisa aanu meesha ka maqneyn maadaama xubno badan oo isaga ku fikir ah ay weli ku dhex jiraan baarlamaanka cusub.
Dhanka kale doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa hadda loo diyaargaroobayaa waana meesha uu markale Shariif Xasan ku soo bandhigi doono awooda ay leeyihiin taageerayaashiisa ku jira baarlamaanka. Waayo waxaa la tuhunsan yahay in xildhibaano gaaraya 65 uu gaanta ku heysto Shariif Xasan kuwaasoo uu ku gorgortami karo mar haddii uu ku fashilmay jagada afhayeenka baarlamaanka oo uu la rabay shakhsi ka soo jeeda beelaha kale sii uu isaguna fursad ugu helo jagada madaxweynaha oo uu beryahanba u ordayey.
Si kastaba dad badan ayaa sheegaya in doorashadii shalay ka dhacday baarlamaanka Soomaaliya ay ahayd mid taariikhi ah oo wax badan ka bedeshay habkii looga bartay baarlamaanada kumeelgaarka ahaa ee soo maray Soomaaliya.



