Ironically enough, Somali national soldiers in uniform seem to be protecting him even though when he came Villa Somalia threw a tantrum about "ciidanka oo la siyaasadeynayo"
Farmaajo oo Shir Jaraa’id oo uu Maanta Muqdisho ku Qabtay oga Hadlay Xaaladihii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Daawo Sawirada)
Shir Jaraa’id oo saxaafada ugu qabtay Hoyga uu ka daganyahay Magaalada Muqdisho Musharaxa Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayuu kaga hadlay Xaaladihii ugu danbeyay ee dalka Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Soomaaliya ku doorteen Muqdisho.
Farmaajo ayaa ugu horayn u Hambalyo u diray Gudoonka Cusub ee baarlamanka soomaaliya wuxuuna sheegay inay Tahay guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed in mudo dher kadib magaalada Muqdisho lagu qabto Doorashada Hay’adaha Dowlada.
Farmaajo ayaa Tibaaxay inuu Yahay Nin karti iyo aqoon u leh Gudoomiyaha Cusub ay doorteen Baarlamanka soomaaliya Prof Jawaari, sidoo kale ayuu Tilmaamay inuu Mr Jawaari yahay nin kasoo bixi kara howlaha loo xil saaray.
Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo Ex Raisul wasarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax u Taagan Qabashada Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Sheegay inuu Rajo Wanaagsan ka qabo inay Doorashada Madaxtinimada Soomaaliya u dhacdo sidii loogu talagalay ayadoo laga Tusaale qaadanayo Midii shalay dhacday.
Musharaxa Farmaajo ayaa Tilmaamay inuu Rajo Wanaagsan ka Qabo inay Doortaan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo uu sheegay inay Yihiin Dad Aqoon iyo karti u leh Inay ka Fakaraan Qofka ay siinayaan codkooda si ay u helaan Hogaankii ay doonayeen.
Dhanka kale Wuxuu Hambalyo u diray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay Yihiin Geesiyadii dalka Isla markaana Wuxuu ugu hambalyeeyay Guulaha is daba Jooga ah ee ka gaareen Dagaaladii ugu danbeeyay ee la galeen Xarakada Al-shabaaab.
Farmaajo oo Kamid ah Raga ugu cad cad Doorashada Madaxtinimada Soomaliya ayaa Tilmaamay hadii uu ku guulaysto Xilka Madaxwaynaha uu dhamaystiri doono howshii qabyada ahayd ee uu bilaabay isaga iyo Kooxdiisii, wuxuuna xusay inay Magaalada Muqdisho dowladu kaga sugnaynd deegaano u dhow dhow Xarunta Madaxtooyada markii uu qabtay Xilka Rai’sul wasaraha isla markaana uu gaarsiiyay Isla markiiba Guulo wax ku oola iyadoona alshabaab Muqdisho iskaga huleeleen Mudo gaaban Kadib, wuxuuna dhanka kale ku booriyay Xildhbaanada Soomaaliyeed inay Codkooda siiyaan si buu yiri aan u dhamaystiro howlaha harsan ee aan Bilownay.
Sikastaba Shirkani Jaraa’id ee uu maanta Saxaafada u qabtay Farmaajo ayaa Imaanaya xili ay Magaalada Muqdisho ka soconayaan U diyaar garowga doorashada Madaxtinimada Soomaaliya taasoo ay ku tar tamayaan Rag miisaan ku leh Saxaada Siyaasada Soomaalida Sanadihii ugu danbeeyay.