Postby abgaalKING » Mon Sep 10, 2012 3:23 am
Waxaa haatan ka socota Hoolka Dugsiga sare Booliska ee Jeneraal Kaahiya diiwaan gelinta Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay u doortaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
Sida ay sheegayaan wararka Xildhibaanada ayaa saaka aroor hore u kalahay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, halkaasoo Gawaari Basas ah looga qaaday, iyadoo loo daadgureeyay Dugsiga sare ee Booliska.
Sidoo kale waxaa gawaarida lagu qaaday Marti sharafta iyo wariyeyaasha ka qeyb galeysa doorashada, waxaana la marayaa baaritaan badan oo dhowr Bar koontarool ay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Nabadsugida u yaalaan wadada aada Dugsiga sare ee Booliska Jeneraal Kaahiye.
Wadada oo ah mid ka dhex baxda Garoonka ayaa ah wado cusub oo ay sameysteen Ciidamada AMISOM, taasoo sii marta Garoonkii hore ee Ciidamada cirka dowladdii hore ee Afisyooni, waxaana ay sii gashaa School Polizio.
Gudoomiyaha Baarlamaanka, Labadiisa kuxigeen iyo Gudiga qaban qaabada doorashada ayaa ku sugan hoolka, halkaasoo lagu diiwaan gelinayo Xildhibaanada.
Hoolka ay ka dhici doonto doorashada ayaa si aad ah loo xardhay, Xildhibaanada ayaa kuraas gaar ah loo diyaariyay, waxaana hoolka ka muuqda hab Baratakool ah, gaar ahaan meelaha ay fariisanayaan Marti sharafta, goob joogayaasha Caalamiga, Musharaxiinta iyo goob gaar ah oo Wariyeyaasha loogu tala galay.
Marka ay soo dhamaato diiwaan gelinta Xildhibaanada ayaa Gudoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqi doona inuu furan yahay fadhiga Baarlamaanka oo uu Kooramka dhan yahay.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in la dhaariyo hogaamiyeyaasha dagaalka oo horay Gudiga farsamada ay u diideen, balse ay ogolaatay Maxkamada sare, iyadoo gudi Xildhibaano loo saaray arrintooda ay ayideen go'aanka Maxkamada sare.
Gudoonka Baarlamaanka ayaa shalay sheegay in la dhaarinayo Xildhibaanada horay loo diiday ka hor inta aanay bilaaban doorashada Madaxweynaha.
Saacada oo xilligan Muqdisho tahay 10-ka Subaxnimo ayaa laga yaabaa in doorashada ay bilaabato duhurka kadib, inkastoo laga yaabo inuu waqtiga dib u dhaco.
Musharaxiinta u tartamaysa ayaa haatan ku sugan xarunta, kadib markii garoonka diyaaradaha looga soo kaxeeyay gawaari loogu tala galay Musharaxiinta.
Waxaa hoolka ku diyaarsan kuraasta ay ku fariisanayaan musharaxiinta oo qaabka ay magacyada ama xarafyada isugu xigaan u kala fariisanayaan oo ah A - Z.
Musharaxiinta ilaa haatan gaaray madasha ayaa waxaa ka mid ah Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Yuusuf Garaad, Dr. C/raxmaan Baadiyow, Prof, Axmed Ismaaciil Samatar, C/llaahi Axmed Caddow iyo musharaxiinta kale, inkastoo aanay wali goobta imaan Ra'iisul Wasaarihii hore C/wali Gaas iyo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Shariif Sheekh Axmed oo ka maqan xarunta.
Xarunta shirka ka dhici doona ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Wakiilada musharaxiinta, kuwaasopo wada xaajood la galaya Xildhibaanada si ay ugu qanciyaan in codka siiyaan.
Jawiga magaalada ayaa ah mid si aad ah uga duwan sidii hore, ammaanka aad baa loo adkeeyay, iyadoo magaalada oo dhan laga hadal haayo doorashada maanta dhaceysa oo dal iyo dibadba isha lagu wada haayo.
Hadaba Jowhar.com ayaa isku howli doona inuu idin soo gudbiyo hadba wixii ku soo kordha arrimaha doorashada.