Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa noqday madaxweynihii ugu horeyay ee diida baaqa beesha caalamka ee ah inuu kasoo qeyb galo kulanka QM ee looga hadlay xaaladda Soomaaliya.Madaxweyne Xasan Shiikh oo diiday inuu ka qeyb galo kulankii QM iyo kan Wadamada Caalamka ay kaga hadlayaan xaaladda Soomaaliya
Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay inuusan ka qeyb gali doonin kulankaas maadaama Soomaaliya ay ku jirto xaalad adag sida uu hadalka udhigay.
Riix Halkan si aad udhagaysato Hadalka Madaxweynaha
Isagoo hadal gooni ah la wadaagayay rag ay saaxiibo ku ahaayeen tartankii dioorashada ee uu kusoo baxay ayaa waxaa uu tilmaamay in sidoo kale uusan ka qeyb gali doonin kulanka Madaxda caalamka ay isugu imaanayaan ee 26-ka Bishan loo qabanayo Soomaaliya.
‘Dhibaatada ka jirta Soomaaliya ayaa keentay inaan diido ka qeyb galka labadaas kulan”ayuu sheegay Xasan Sh Maxamuud oo dhanka kale ear kasoo saaray cida uu umagacaabayo Ra’isul Wasaare.
Waxaa uu sheegay in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu noqon doono qof aqoon iyo karti leh isla markaana kala qeyb qaadan kara hamigiisa ah in Soomaaliya ay heshonabad iyo hormar wanaagsan.
Warqaad.com— Muqdisho Office





