xarshin(Waaheen) Ciidamadda Liyuu Booliiska Kililka shanaad ayaa maanta xabsi Milatari ku xidhay Laba Suldaan oo kala ah Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi iyo Suldaan Xuseen Ismaaciil.
Xadhiga Salaadiintan ilaa hada war sugan lagama hayo laakiin wararka Hordhaca ah ee naga soo gaadhaya ayaa sheegaya in maanta Duhurkii Ciidamo ka tirsan kililka shanaad xidheen kadiba waxa loo dhaadhiciyay Xero Ciidan oo ku taala magaaladda Xarshin.
Suldaan Xasan iyo Suldaan Xuseen ayaa magaaladda Harta Sheekh ku sugnaa sadex cisho, maantana waxay u kicitimeen dhinaca Xarshin si ay u soo eegaan dhibaatadda Ciidamadda Liyuu Booliisku gaadhsiiyeen dadka Shicibka ah ee ay Madax dhaqameedka u yihiin.
warar dheeraad oo ah oo na soo gaadhaya ayaa sheegaya inay ugu mar mrasoodeen inaanu sifo sharci ah dalka ku gelin, hase yeeshee Suldaanka iyo gaadhigiisuba waxa ay siteen sharci rasmi ah oo safaaradda Hargeysa ee Itoobiya ay sii siisay.
ilaa hada si rasmi ah looma oga inay Xarshin ka dhaadhicin doonaan iyo inkale, inkasta oo warar ka qaarkood sheegayaan in laga yaabo in lasii daayo maadaama uu sifo sharci ah sito.
xukuumadda Somaliland iyo ta Itoobiya mid koodna ilaa hada wax war ah kamay soo saarin xadhiga Salaadiinta Subeer Awal ee Ciidamadda Kililku ku xidheen Xero Milatari oo ku taala xarshin.
talaabadan lagau xidhay Salaadiinta ayaa ku soo beegan tay wakhti waan waan lagu xaliyayo mashaqadii ka dhacday Deegaamadaasi ay gacanata ku hayaan Guddi sadex geesood ah ooharta sheekha ku sugan