Faroole Muxuu ku kala jecelyahay Saddex maxamed oo Mareexaan ah.!?
Tuesday, September 25, 2012, 20:34
Farmaajo waa shakhsi soomaaliyeed haddana kasoo jeeda beesha Daarood markalana ah shaqsiga soomaali oo dhan ay isku raacsantahay in uyu geyo hoggaan walba.
Inkastoo aad mooddo in saamaynta uu ku dhex leeyahay hardanka siyaasiyiinta iyo baarlamaanka Soomaaliyeed aad mooddo in sidii uu istaahilay uusan ka dhex helin badanaa
sababtuna ay tahay in Caloola wayntu ay u arkaan in aan dan ugu jirin nin aan wax la bur-bursan karin ama aan wax la khiyaanayn karin oo ku ad-adag dhowridda hantida qaranka Soomaaliyeed ‘a
yaa haddana waxaa dhankooda u dhimanaya oo aaminsan kumannaan ciidammada qalabka sida ah iyo malaayiin shacbiga soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan oo u ahaya kalsooni boqolkiiba boqol gaadhaysa.
Waxaase kalsoonidaas loo hayo Farmaajo iyo rabitaankaan ka yimi xagga rabbi inta badan u arka in ay tahay Caqabad iyo wax aan la qaadan karin masuul kamid ah masuuliyiinta Maamul Gobeleedyada
ka dhisan dalka soomaaliyeed oo Lagu magacaabo (Faroole) Masuulkan ayaa la sheegayaa in maalmihii lasoo dhaafay uu buuqiisu soo gaadhayey Madaxtooyada Soomaaliya
isaga oo cabashadiisa ugu wayn ay ahayd !Farmaajo Yaan la Keenin !!!
Arrinkan ayaan ahayn markii ugu horraysay ee uu sameeyo Madaxwayne Faroole iyadoo hadda kahorna uu si caddaan ah Saxaafadda ugu sheegay Hadallo ay ka muuqato masuuliyad darro Godob qarsoon halkan ka dhagayso hadallada Faroole uu ku weeraray Farmaajo
oo aan lala ogayn Faroole iyo inta Taageerta taas oo Markale ku Faanay xataa in xilligii Farmaajo ka degey Ra’iisul wazaare nimada uu sheegay in uu ku guulaystay in uu kursiga ka tuuray Farmaajo.
Waxaase is waydiin mudan ama ah ay waydiinayaan dadka siyaasadda indho indheeya su’aalaha ah maadaama la sugayo xilliga lasoo dooranayo ra’iisul wazaaraha Soomaaliya ,lagana soo xulayo beesha Daarood
ayaa waxaa la arkayaa in ay ugu cad cadyihiin Saddex nin oo kasoo jeeda Beesha sade mareexaan oo kalo ah
Maxamuud Sheekh Cali Buraale (Doodishe).
Maxamed Bare Maxamed Cali.
Iyo Maxamed C/laahi Farmaajo.
Maxay ugu kala duwan yihiin Mudane C/raxmaan Sheikh Maxamed Faroolaha puntland oo uu ku kala jecal yahay !!? Muxuuse madaxwayne Xassan sheikh Maxamuud u tix Gelin la’yahay rabitaanka shacabka
Soomaaliyeed,!? Yaase la qiimo badan in Faroole oo haatan Puntland Kasii socda Cabashadiisa iyo Rabitaanka Ciidammada Qalabka Sida Iyo Shacabka Soomaaliyeed Rabitaankooda !?
http://www.galdogobpress.com/2012/09/25 ... eexaan-ah/