Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa durbaba faraha ka baxaya kadib markii ay isaga bexeen ciidamadii iyo maamulkii Mujaahkidiinta oo muddo ku dhaw shan sanadood halkaasi ka arriminayay.
Wararka nagasoo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa xaqiijinaya in dilal qorshaysan iyo boob ay maanta ka dhaceen magaalada waxaana jirta cabsi xoogan oo ay dadku ka qabaan in caawa dilal kale magaalada ka dhacaan maadaama maleeshiyaad hubeysan ay hubkooda banaanka ulasoo bexeen.
In sidan dhiiggu ugu daato Kismaayo waa qeyb kamid ah ahdaaftii uu cadawga Kenya ugusoo duulay magaalada Kismaayo oo sharciga Islaamka lagu maamulayay shantii sanadood ee lasoo dhaafay.
Goob Joogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa SomaliMeMo u sheegay in xoogag hubaysan ay galabta gudaha magaaladaasi ku khaarijiyeen Ugaaskii Beesha Cowramala, jawiga magaalada Kismaayo ayaa galabta kacsan waxaana dib usoo laabtay kala qeybsanaantii magaalada ee dhanka Beelaha in kastoo cadawga Kenya uusan weli magaalada gudaha usoo gelin hadane maleeshiyaad cadawga taabacsan ayaa la sheegayaa in xaafadaha qaar ay soo galeen waxaana laga yaabaa in ay falal gumaad ah kula kacaan shacabka magaalada.
Maanta oo kaliya waxaa Kismaayo lagu khaarijiyay 5 qof oo uu kamid yahay Nabadoonkii Beesha Cowramalo oo kamid ah beelaha caanka ah Jubbooyinka,Nabadoonkan ayaa caan ku ahaay ka hadalka warbaahinta isagoo shacabka ugu baaqi jiray is garab taagga mujaahidiinta waxgarad katirsan Cowramalo oo xariiro lala sameeyay waxay sheegeen in saacadaha soo socda ay war kasoo saari doonaan dilka Nabadoonka







