Cali daacuun "Waxaan ka cabsi qabaa in xabaashii siyaasadda ee aan ka soo baxnay inaan dib ugu laabano haddii..."
Cali Max'ed Axmed (Cali Daacuun) oo ah siyaasi rug cadaa ah, oo inta badan ka hadla arrimaha Soomaaliya ayaa isagoo Muqdisho ku sugan wuxuu soo saaray warsaxaafadeed ku wajahan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Max'uud, wuxuuna Cali daacuun sheegay in ay soo food-saartay cabsi uu ka qabo in ay mugdi gasho rajadii ay shacabka Soomaaliyeed ka qabeen in madaxweynaha cusub
"Aad & aad ayaan uga cabsi qabaa in Xabaashii siyaasadda ee hadda aanu ka soo baxnay inaan dib ugu laabano, arrinkaas waxaa iga keenay kadib markii aan arkay in ururka islaamiga ah ee siyaasadeed ee Damjadiid uu guure & galab carow ugu jiro sidii uu madaxweynaha ugu qancin lahaa wasiirka 1-aad in ay keenaan taasina waxaan leeyahay haddii ay dhacdo waa xabaashii siyaasada aan ugu noqonayo maadaama damjadiid uu ka talinayo taladii wasiirka" ayuu ku sheegay Cali daacuun, warsaxaafadeed uu soo saxaafadda soo gaarsiiyey.
"Haddii aan waxyar iftiimiyo ururka Damjadiid wuxuu ka mid ahaa maxaakiimtii islaamiga, wuxuu sidoo kale ka mid ahaa ururkii isbaheysiga Asmara, wuxuu haddana ka mid ahaa dowladdii Sheekh Shariif, ma aqaano Damjadiid waxaa loola jeedo, haddii kelmada Damjadiid aan Afsoomaali u rogo waa dhiig cusub, ma laga yaabaa in ay dhiig cusub daadiyaan.? macnaha uu xambaarsan yahay eraygan Damjadiid waa mid aan garan la'ahay" ayuu yiri Cali daacuun, wuxuuna intaa ku daray in madaxweynaha ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed inuu noqdo mid dhaya daqarada waaweyn ee naafeeyey Qaranimadii Soomaaliya.
"Madaxweynaha cusub waxaan leeyahay waa inuu ogaadaa in ay doorteen 190 xildhibaan oo ka soo jeeda beelaha Soomaaliyeed, taa waxaan uga jeedaa in aanu maanta xisbi ka tirsaneyn ee uu madaxweyne u yahay ummadda Soomaaliyeed, waxaana kula talinayaa inuu magacaabo R/wasaare karti & aqoon leh oo dowladaha deriska & beesha caalamka la deal gareyn kara, isla markaana aanu baylihin Waqooyi, waayo dowladani waa dowlad rasmi ah haddii saami qeybsiga laga waayo Waqooyi waxey noqoneysaa dowlad Koofureed" ayuu yiri Cali daacuun, wuxuuna ku celiyey in haddii ay dhacdo in xubin ka tirsan xisbiga Damjadiid la magacaabo in kalsoonidii shacabka ee madaxweynaha uu dhaawac culus soo gaari doono.
"Haddii ay dhacdo in R/wasaaraha laga keeno xisbiga Damjadiid ama uu noqdo shaqsi aanan horay loo aqoon waxaa hubaal ah in aynu dib ugu noqonay xabaashii siyaasadda" ayuu yiri Cali daacuun.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com