Al-Shabaab inta ay ku soo biirtey kooxax siyaasada Soomaaliya kaalinta ku leh waxaa lawada qirey ineey awood u yeesheen ineey dhul baaxad leh ay maamulkooda ku fidiyeen taasoo fursad weyn u siisey ineey fekerkooda ku fidiyaan meelaha ay gacanta ku dhigeen.
Waxaase muuqata in looga xoog roonaadey dagaalada markey ciidamo nimaadsan ay iska horyimaadeen, waxaase dadka faaleeya xaalda Soomaaliya is weydiinayaan in la gaarey goortii al-Shabaab iyo kooxda la safan ee al-Qaacida ay uga dhamaan laheyd Soomaaliya?
Waxaa halkaan inaan ku xusno mudan in dagaalka al-shabaab lagula jiro aan qori caaradiis lagaga guuleeysan karin sababtoo ah waa dagaal ku dhisan fekerka sida kaliya ee looga guuleeysan karo waa in la helaa dad diyaar u ah in ay kula dagaalamaan fekerkooda una muujiya dhalanyarada waxa fekerkooda uu ku dhisanyahay.


