Fellow Hawiye Snetters, I have bad news for ya'll.

General Morgan and Col. Barre Hiiraale are teaming up. Seems like, another strong Daarod state is going to be established. Kismaayo might become larger than Mogadishu within 10 years, if this news is true.
http://www.galgalanews.com/?p=16740
Sida ay sheegayaan warar ku dhow-dhow xafiiska madax-weynaha jamhuuriyadda Federal-ka Soomaaliya Xasan SHiikh Max’ud ayaa kulan gaar ah oo ay yeesheen isaga iyo xubno aad ugu dhow-dhow waxay siku raaceen inay guddi xagga amniga qaabilsan ay u diraan magaalada Kismaanyo, sida uu warku sheegayo go’aanka ay gaareen madax-weynaha iyo la taliyeyaashiisa ayaa ah in guddigaas ay xubno ka noqdaan labadii hoggaamiye Kooxeed ee iyagu horay ugu dagaalamayay magaaladaas Gen. Max’ed Saciid Xirsi (Gen.Morgan) iyo Col. Cabdul-Qaadir Adan Shire (Barre-Hiiraale) oo labadaba hadda ku sugan magaalada Muqdisho..
Warkan oo aan ka helnay, ilo ay aad isugu dhowyihiin madax-weynaha ayaa sheegaya in madax-weynuhu waqti gaaban ka hor intii aysan ciidammada Kenya iyo kuwo Soomaaliyeed soo gaarin magaalada Kismaanyo uu kulan la yeeshay xubno ka mid ah odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye isagoo kala tashanaya arrimaha magaaladaas iyo ciidammada ku soo fool leh.
Waxaa kaloo warkan uu sheegayaa in Gen. Morgan oo isagu ka soo carooday markii loo diiday inuu qayb ka noqdo hoggaanka ciidammada Kismaanyo qabtay isla markaasna ay ka hor yimaadeen odayaasha deegaanka jubbooyinka ayaa wuxuu hadda isku dayayaa inuu xiriir sokeeye la yeesho hogaanka dowlad federal-ka isagoo sida hadalka loo yiri taas uga aar goosanaya talaabada odayaasha deegaannad jubbooyinka.
Warkan ayaa intaas ku daraya in Barre-hiiraale iyo Gen. Morgan iyo xubno kale oo ka mid ah saraakiisha uu hoggaamiyo Barre-hiiraale ay muddoo dhowr maalmood ah shir ku lahaayeen magaalada Muqdisho, waxaana warku tilmaamayaa inay jireen xiriir ay nimankaas la sameeyeen Gen.Darwiish oo isagu hadda ka mid ah saraakiisha ay wada socdaan ciidammada Kenya in kasto aysan jirin wax war ah oo la shaaciyay oo ka soo baxay kulannada ay nimankaas yeesheen iyo xiriirka ay la yeesheen Gen. Darwiish midna.
Madax-weynaha iyo odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo iyagu aad uga caraysan soo gelitaanka ciidammada huwanta ee magaalada Kismaanyo ayaa sida warku tilamaamayo Gen. Morgan iyo Barre-hiiraale u arka kuwo kaalin mug leh ka qaadan talaabnooyinka ay rabaan inay qaadaan ee ku aaddan magaalada Kismaanyo.
Gen. Morgan iyo Col.Barre-hiiraale ayaa xiriir sokeeye lahaa ilaa iyo sanadkii 2004tii, in kastoo ay taageerayaashii Barre-hiiraale xilligaas ka hor yimaadeen in Gen. Morgan uu ku soo laabto magaalada Kismaanyo hasa yeeshee xiriirka labada nin ayaa ilaa iyo waagaas soo jiray ayeey waxay isku dayayeen in maamul ay si wad-jir ah ugu sameeyaan magaaladaas, waxaana kulannada ay hadda ku yeelanaayaan Muqdisho loo qaadan karaa talaabo kale oo isku day ah oo ay rabaan inay Kismaanyo ku soo laabtaan, in kastoo aan la garanayn siday isula jaan qaadi karaan qorshayaasha dowladda iyo labadaas nin.
Source
Waayaha.net