admin | Oct 15, 2012 | 0 comments
Wararka naga soo garaya Magaalada nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya ayaa waxaay tibaxayaan in Magaaladaasi ay ka socoto qaban qaabada bixitaanka wafdi balaran oo uu hogaaminaayo Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Ahlusunna Sh Maxamed Aw-libaax.
Wafdigaan oo ay ka mid yihiin Siyaasiyiin iyo saraakil caan ka ah Gobolada Jubboyinka ayaa waxaan ka xusi karna Gen Cabdilahi Sh Ismaciil Fartaag ,Cabdilahi Shimbir iyo xubno kale oo muhiim ah.
Wafdigaan ayaa waxaa maalinta Arbacada ee ay taarikhdu tahay 17 October diyaarad Milatary ay ka qadaysa Magaalada nairobi waxayna si toos ah uga daganayaan Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo dhawaan soo gashay gacanta Ciidamada Huwanta ah.
Ujeedada Socdaalka Wafdigaan ayaa waxaa lagu sheegay indha indheyn xaalada guud ee Magaalada Kismaayo iyo usi gogol xaarid Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose.
Wafdigaan ayaa waxaay ku sii sugnan doonan Magaalada Kismaayo ila inta laga Dhamaystiraayo Maamul Goboleedka Jubbaland Stet oo hada Maraya meel gabo gabo ah.
Masuuliyinta Maalinta Arbacada ka dhoofaya Magaalada Nairobi ayaa waxaa magaalada Kismaayo ugu danbeysay 4 sano ka hor xiligaas oo Ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay dagaal culus kula waregeen Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda Abaabul logu diyaar garoobaayo soo dhaweynta Masuuliyintaasi ku soo wajahan Magaalada Kismaayo waxana lagu wada marka ay Masuuliyintaasi ka soo dagaan Magaalada in ay shacabka magaaladaasi kula hadli doonan beerta Xoriyada ee Magaalada Kismaayo.
Isku soo wada duubo Wafdigaan ayaa waxaa uu noqonaya wafdigi ugu balaarnaa ee ka daga Magaalada Kismaayo ka dib qabsashadi Magalaadaasi ay qabsadeen Ciidamada huwanta ah waxaana la filaya in Magaalada Kismaayo ay soo garaan wufuud kale oo iskugu jira Masuuliyin somali ah iyo kuwa ka socda Beesha Calamka.




The Lion of Alhu Sade goes were ever he wants.