Selebaan Xaglatoosiye

Somaliland unity is a must by Selebaan Xaglatoosiye first day as Minister

Dr. Xaglo-toosiye Wasiirka dib u dejinta oo maanta hadal ka jeediyey Munaasibad uu.......
Hargeysa (GNS) - Wasiirka cusub ee Wasaarada dib u dejinta Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa sheegay inuu ka shaqayn-doono horumarka iyo midnimada shacabka reer Somaliland, isla-markaana uu xilka loo igmadday uu si daacad ah u gudan-doono.
Dr. Xaglo-toosiye Wasiirka dib u dejinta oo maanta hadal ka jeediyey Munaasibad uu xilka kula wareegayey oo ka dhacday hoolka hay'adda shaqaalaha dawlada ee magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in tabashooyin is biirsadday ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Buuhoodle, isla-markaana ay Xukuumadda Somaliland balan-qaaday inay wax ka qabanayso.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "Marka hore waxaan u mahad celinayaa Wasiiirkii hore ee Dib u Dejinta ahna Wasiirka cusub ee Warshadaha waxaan ugu bogaadinayaa sida sharafta leh ee uu xilka iigu wareejiyey, waxaan isagana ugu hambalyaynayaan jagadaa cusub ee loo magacaabay oo aan weliba ILAAHAY uga baryayo maadaama ay tahay Wasaarad cusub in ilaahay u fududeeyo"
Waxa uu intaas ku daray Wasiir Xaglo-toosiye "Waxaan Shaqaalaha dib u dejinta ka codsanayaa inay ila shaqeeyaan siday Wasiir Cabdirisaaq ula shaqayn jireen iyo si ka sii wanaagsan-ba ila shaqeeyaan, waxaanan balan qaadayaa hadii ALLE ka dhigo in aan dar-dar galiyo Wasaarada hawleheega intaa markaan ka gudbo, anigu waxaan ahaa Hogaamiyihii Ururka SSC hadda-na waan ahay Wasiir reer Somaliland ah baan noqday Bulshada reer Somaliland oo dhan baan Wasiir u ahay horumarkooda, nabadooda iyo midnimadoodana waan ka shaqaynayaa waxaan-se u sheegayaa Degaamadii aan ka imid iyo Ehelkaygii inaan u maqnahay inaan dadaal wayn hadii ALLE ka dhigo u gali doono sidii loo xoojin laahaa nabada sidii horumarka looga shaqayn lahaa sidii isbedel looga dhalin lahaa Deegaamadaas"








