I rise this serious question after seeing the Prime Minister not using his executive powers, and even surrendering some to the President.
President Hassab Sheikh looks as if he is running the whole show single-handedly. The Prime Minister should take into consideration the suggestions & opinions of the President, but ultimately make the final calls. But not only did the President have the final say in the number of ministers to be named, he was in control of the whole process as we have all come to learn.
The President has smartly renamed "deputy-ministers" as "Undersecretaries" which the Federal Constitution says should be named by the Prime Minister.Fiqikhayre SOL
what is worse is that key ministeries have been 'put together' in large scale mergers and each department will have a under-secretary directly appointed by the President in which the Prime Minister has no say on it. This undersecretaries will run all the departments and are accountable to the Presidents office, who will name each of them. They're secret executive 'ministers'.
The Prime minister has been duped to name four of the most important ministeries who are in line with the President's thought's and religious sub-grouping of the new blood of the splinter group that comes under Al Islah Al Islami.
For example:
The minister of public service the ministry is split into three sub ministires with each having a separate under-secretary.
A. The Department of Health which was formerly the Ministry of Health
B. The Department of Women and Family Affairs.
C. The Department of Education which was formerly the Ministry of Education and Higher Learning
This undersecretaries are second-in-command and they're appointed with a separate Presidential decree.
Why is the Prime Minister giving up his Executive Powers to the President?
Article 97. The Council of Ministers
(1) The executive power of the Federal Government shall be vested in the Council of Ministers, in
accordance with the Constitution.
(2) The Council of Ministers is the highest executive authority of the Federal Government and consists
of the Prime Minister, the deputy prime minister (s), ministers, state ministers and deputy-ministers.
(3) The Prime Minister shall appoint deputy prime ministers, ministers, state ministers, and deputy
ministers. Those eligible for membership of the Council of Ministers may be, but shall not be
limited to, members of the House of the People of the Federal Parliament.
(4) Vacancy in the office of the Prime Minister caused by the resignation, dismissal, failure to fulfill
responsibility, or death of the Prime Minister shall lead to the dissolution of the Council of
Ministers.
Maxaa ku hoos qarsoon 10 ka Wasiir–Madaxweyne Xasan oo sitoosa awoodii ugala wareegey Baarlamaanka iyo Raysal wasaaraha.Article 100. Responsibilities and Powers of the Prime Minister
The responsibilities of the Prime Minister are to:
(a) Be the Head of the Federal Government;
(b) Appoint and dismiss members of the Council of Ministers;
(c) Present the Council of Ministers and government program before the House of the People
of the Federal Parliament to seek their endorsement;
(d) Carry out any other function conferred upon him or her by the Constitution or by any other
law that complies with the Constitution and its underlying values.
Faalada Maanta–04 Nov. 2012: Sida aan la socono fikirka in Golaha Wasiirada laga dhigo Toban Wasiir waxaa la yimid Madaxweynaha, taasna waxaa cad in arimo badan oo qarsoon ay jiraan oo aan hada xogtooda helney iyo sababta keentey in Madaxweynuhu uu ku adkeysto tobankaan Wasaaradood.
Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud tan iyo markuu xukunka la wareegey wuxuu hoosta ku watey kooxda ay isku fikirka yihiin ee Damujadiid, kooxdaan waxaa ka go’an iney iyaga oo kaliya awooda dalka gacanta ku hayaan iyadoo Raysal waaaraha iyo Baarlamaanku wax faragalin ah ku samayn, si aytaas u heleen waa inay la yimaadaan qorshe siyaasadaysan oo laga gadi karo Raysal wasaaraha, Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan iyo Damajadiid waxay fakar dheer ka dib la yimaadeen qorshe siyaasadeysan oo Dastuurkana aan ka hor imaaneyn, Si fududna ay awooda dalka gacanta ugu haynayaan.
Siyaasda ka dambeysa tobanka wasiir iyo sida ay Damujadiid Awooda Dalka ula wareegeen, iyagoon ka baqayn Raysal Wasaare iyo Baarlamaantoona/
Sababta ay Damujadiid ugu fakareen in ay xukuumadu aysan ka badan toban wasiir waa inay iyagu si dadban gacanta ugu dhigaan wasaaradaha oo dhan, Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu isagu magacaabo Agaasimayaasha wasaaradaha, wuxuu kaloo soo wadaa Wakaalado kuwasoo badalay wasaaradaha aan la magacaabin.
Tusaale ahaan:- Wasaaradii Caafimaadka, Wasaradii Wasaaradii Dekadaha, Wasaaradii Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Wasaradii Ganacsiga, Wasaaradii Haweenka iyo Lqoyska, Wasaaradii Waxbarashada, dhamaantood waxaa loo badali doonaa Wakaalado waxaana Agaasimayaasha hogaamin doona soo magacaabi doona Madaxweynaha.
Dhinaca kale Wasiirada lamagacaabey Qaarkood awood saasa ma yeelan doonaan sababtoo ah Wasaaradaha loomagaacabay ma noqonayaan kuwo jira ama awood yeelanaya, Tusaale ahaan- ..
1- Wasiirka loogu yeerey Wasiirka Wasaarada Kheyraadka:- Wasaaradaan waxaa loo kala saari doonaa dhowr wakaaladood oo kala noqon doona A- Wakaalada Shidaalka iyo Macdanta B- Wakaalada Xanaanada Xoolaha iyo Reer Guuraaga C- Wakaalada Beeraha iyo D- Wakaalada Kaluumeysiga iyo Keyraadka Bada, dhamaan Wakaaladahaan waxay yeelan doonaan Maareeyaal(Agaasimeyaal) uu Madaxweynuhu soo magacaabeyo, Maareeyaalka ama Agaasimayaalku waa magac u yaal lakiin xaqiiqda Waa Wasiir qarsoon oo awoodii wasiirka leh, waxayna toos u hoos imaanayaan Madaxweynaha.
2- Wasiirka Wasarada Adeega Bulshada:- Wasaaradaan waxaa loo kala qaybin doonaa, A- Wakaalada Caafimaadka oo lagu badalay waaasardii Caafimaadka, B- Wakaalada Qoyska iyo haweenka, C- Wakaalada Waxbarashada oo lagu badalay wasaradii kaamilka ahayd ee Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
3- Wasiirka Wasaarada Warshadaha;- Wasaaradaan waxaa lookala qaybin doonaa labo Wakaaladood oo kala ah, A- Wakaalada Warshadaha iyo B- Wakaalada Ganacsiga.
Dhamaan wakaaladahaan waxay badalayaan Wasaaradihii horey u jirey uuna hogaamiyahooda xaqa u lahaa inuu magacaabo Raysal wasaaruhu lakiinse hada Wasaradihii magacii baa laga badalay waxaana wasiiradooda soo magacaabaya Madaxwaynahan iyagoo loogu yeeri doono Maareeyaha Wakaalad hebla ama Agaasimaha Wakaalad hebla, waxaana jagooyinkaan yeelan doona 95% Xubnaha Damujadiid.
Sidaas bay damujadiid awooda dalka kula waregeen, Raysal Waaaraha iyo Baarlamaanka oo Markhaati ahaan meesha u taagnaan doona, sababtoo ah Madaxweyaha iyo Kooxdiisu waxay awooda ula waregeen habkaan oo ah mid aan Dastuurka kasoo horjeedin, umana ay baahna in Baarlamaan kalsooni u qaado Agaasimayaasha ay soo dirsadaan, Mana hoos imaanayaan Raysal wasaaraha.
Damujadiid waxay kaloo isticmaaleen Maskax cajiib ah, Raysal wasaraha oo aan waxba kala socon qorshohooda qarsoon ee ku dhisan wasaaradaha qarsoon waxay ku qanciyeen si uusan u shakiyin inuu isagu keensado Waiirada Afarta Wasaaradood ee waawen oo kala ah.
1- Wasaarada Arimaha Dibada
2- Wasaarada Gaashaandhiga
3-Wasaarada Maaliyada
4Wasaarada Arimaha Dibada
Raysal wasaaruhu wuxuu wasaaradahaan keeney Dad u muuqda macquul oo kasoo bixi kara shaqadooda lakin waxaa meesha ka maqan oo raysal wasaaruhu uusan la socon qorshayaasha ay Damujadiid wataan ee ku dhisan habka Wakaaladeynta wasaaradaha.
Maskaxda kale ee ay isticmaaleen waxaa weeye in Siyaasada Dibada iyana uu Madaxweynuhu kala wareego Raysal wasaaraha, Madaxweynuhu waa inuu isagu qaabilaa Beesha Caalamka marka ay imaanayaan Muqdisho, lagana dheereeyaa Raysal wasaaraha, taasi waxay saamaxaysaa in Damujadiid ay Arimaha Dibadana si dadban ula wareegaan.
Xogtaan soo ururinteeda, soo xansashadeeda iyo iskuduba ridkeeda waxaa xuquuqda iska leh Warbaahinta Puntlandi.com website kii doonaya inuu daabaco waa inuu xusaa xigashada/Sources- ama lasoo xiriir emailkaan hoose.
Xatooyadu waa anshax xumo iyo dhaqan xumo
Puntlandi.com
Post@puntlandi
oxymoron
SomaliNetizen
Posts: 314
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Mr. International



at least make up the source. what a way to discredit yourself.


