Breaking News: MP Abdiwali Mohamed Ali Gaas Finishes His Tour Of Puntland, Press Conference In Galkayo Sends Shock Waves Across The Ancient Boqortoyo Of Puntland & The Rest Of Somalia.
It Looks Like Puntland Political Campaign Begins Dr. Abdiwali Mohamed Ali Gaas Speaking On Behalf Of The People Of Puntland Calls Out The Faroole Administration On Many Major Issues Including The Term Extension & Lack Of Free Press In The State Along With People Being Fearful Of The Faroole Administration To Air Out Political Concerns. Other Major Issues Outlined By The MP Were The Internal Political Distrust Puntlanders Have For The Faroole Administration & Lack Of Accountability. Among The Major Concerns Were The State Not Fully Addressing & Having Plans To Get Back And Defend The Territorial Integrity Of The State & People.
The MP Stressed Not Being Able To Visit Certain Parts Of Puntland (Sool, Snaag iyo Cayn) But Would Do So In The Near Future.
He Calls The Puntland Elders To Immediately Hold A Conference & Address The Pressing Issues Facing The State.
Puntland Administration Immediately Fires Back, With The Information Minister Calling The MPs Allegations Baseless & False. Stating That MP Abdiwali Would Not Have Been Able To Hold The Type Of Press Conference He Did In Galkayo, If Puntland Did Not Have Freedom Of Speech & Freedom Of Press.
Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka jawaabay Eedeyntii Cabdiweli Gaas
November 6, 2012
Garoowe:Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa markii ugu horeysay si kulul uga jawaabay eedeymo uu Pro.Cabdi weli Gaas u soo jeediyey Maamulka Puntland mar uu wareysi siiyey galabta idaacada Laanta afka Soomaaliga ee VOA Wasiirka warfaafinta ee dowlada Puntland ayaa ku tilmaamay eedeymaha uu Pro.Cabdi Weli u soo jeediyey madaxada Puntland mid si cad u qeexeysa waxqabadkiisa xiligii uu ahaa Raisulwasaaraha DFS .
Wasiirka Warfaafinta Ee Puntland ayaa ganafka ku dhuftay dhamaan eedeymihii loo soo jeediyey dowlada Puntland oo ay ka mid ahayd in ay rabto in ay xilka kororsato iyo in ay caburisay saxaafada ,shacabka .Wasiirka Warfaafinta Ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku eedeeyey Raisulwasaarihii hore ee DFS Pro.Cabdi weli Gaas in uu xanibay oo uu is hortaagay deeqo caalami ah iyo mashaariic laga fulin lahaa Puntland sida dayactirka wadooyinka ,Dekeda waxaa kale oo u horistaagay deeqo waxbarasho oo ay xaq u lahaayeen ardayda Puntland .
Mar Wasiirka Warfaafinta Puntland la weydiiyey xil kororsiga ay wadaan Madaxda Puntland ayaa wuxuu ku jawaabay in Bishii April ee la soo dhaafay si rasmi ah loo ansixinayey dastuurka Puntland waxaana goobjoog ka ahaa ayuu yiri Raysal wasaare ku xigeenkiisi ahaana wasiirka Ganacsiga ee DFS Ugaas Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ,Wasiiru dowlihii Dastuurka Xasan Maxamed Jimcaale iyo wasiiru dowlaha xafiiska Raisul wasaaraha Cali Nuur Ducaale iyo beesha Caalamka
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale diiday in shacabka iyo saxaafada lagu caburiyo Puntland wuxuuna tusaale u soo qaatay socdaalkii uu Raisulwasaarihii hore ku marayey Puntland isaga oo sidoo kale qabanayey shirar iyo kulamo siyaasadeed cid ka horistaagtayna aysan jirin.
Ugu danbeyntii ayaa wasiirka warfaafinta ee Puntland ayaa ka digay in lagu talaabsado wax kasta oo keeni kara in khalkhal la galiyo amniga Puntland wuxuuna sheegay in dowladiisa ay wado sidii looga bixi lahaa nidaamka qabaliga ah looguna gudbi lahaa nidaamka axsaabta badan.
M M Deeq
Garoowe