Waxaa manta warbaahinta Somalida inta badan ay ka hadlaysa wafdi ka socda Dowlada Somlia oo laga soo celiyay garoonka Diyaarada Magaalada Kismaayo wafdigaas oo ka kobna Dowlada Somalia iyo Amisom.
Markaan u dhaco dulucda qoraalkaan aan Ciwaanka ugu dhigay ma dowlada ayaa qaldan mise Maamulka kmg ah ee Kismaayo ayaa qaldan waxaan ku eegaya halka ay sarta ka qurunsantahay.
20 bari ka hor Magaalada Muqdîsho waxaa tagay wafdi balaaran oo ka socday gudiga maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo wafdigaas waxaay xarunta villa Somalia kula kulmeen Madaxweynaha Somalia xasan sheikh maxamuud wafdiga ayaa waxaay madaxwenaha si xushmad leh uga warbixiyeen howsha maamul u sameynta jubboyinka iyo gedo oo so bilabatay sanad ka hor doorashada Madaxweyne Xasan Sheikh.
Madaxweyne Xasan sheikh wafdigi u warbixinayay waxaa uu kula hadlay af ay ka muqatay caadifad qabiil waxana uu shegay in usan aminsanayn Gudiga maamul usameynta jubboyinka iyo gedo ee mudada sanadka ah shaqaynayay waxana uu soo jeediyay in uu gudigaasi ku daro 9 xubnood oo 3 ka mid ah ay tahay beesha Darood halka shanta kale ay yihiin xubno u badan beesha hawiye .
Wafdigi arinki waa diiday waxaayna shegeen in gudigoodu yahay kan saxda ah ee mudo howshan ku mashquulsana hadana ay marayso gabo gabo sida daraadeed ay ogol yihiin in madaxweynaha xubnahaan uu ka dhigo kuwa goob joogeyaal ka noqonaya Shirweynaha maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ee ka dhacay Magaalada Kismaayo.
Arinkaas waxaa diiday Madaxweynaha waxana uu shegay in hogaanka maamul usameynta jubboyinka iyo gedo cid aan asaga ahayn aysan soo magacaabi karin taasi waxaay sababtay in gudigi farsamada uu dib ugu soo labto Magaalada Nairobi.
Maalintaas wixi ka danbeyay ma ficnayn xiriirka labada dhinaca waxaana howlaha ugu badan ee maamul usameynta Jubboyinka iyo gedo ay ka socdeen Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Nairobi.
Waxa xigay Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo saaray Wareegto uu cunaqabatayn ugu soo rogayo Dakada Kismaayo wareegtadaasi waxaay dhalisay shakigi ugu badana ee soo kala dhex gala labada dhinac waxaana wareegtadaasi si toos ah u jabiyay Maamulka kmg ah ee Kismaayo.
Marki la jabiyay xayiraadi duxusha Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa waxaa uu kismaayo u soo diray koox uu ugu tala galay in ay u qadaan canshuurta ka soo xaronaysa duxusha ka dhoofta kismaayo waxaana arinkaasi hor istagay Masuliyinta Maamulka kmg ah ee Kismaayo .
Waxaa ugu danbeyay wafdigi shalay oo so bixitaankooda aanba la soo ogaysiin Maamulki Magaalada ka jiray balse Maamulka kmg ah dad aan ka tirsanayn Dowlada Somalia ay ku soo wargaliyeen in wafdi ka socda dowlada ay ka soo dhofeen Muqdîsho kuna soo wajahan yihiin Kismaayo.
Arintaaas waxaay si weyn uga caraysisay Maamulka Kismaayo waxaayna wacad ku mareen in aysan la kulmin wafdigaas sida aysan ku jirin xurmada lo soo diray waxyaabaha dareenka dhaliyay ayaa waxaa ka mid ah in wafdigaasi uu ka mid ah nin ay madaxweynaha qarabo hoose yihiin oo lo magacaabay gudomiyaha rugta ganacsiga Somalia laguna magacaabo Ganacsade Gabayre ganacsedahaasi waxaa lo soo diray in uu qimeeyo duxusha ka dhofaysa Kismaayo iyo dhaqaalaha ka soo xaroonaya .
Wax yabaha la yaabka leh ee shakiga Abuuray waxaa kamid ah tusaale Madaxweynaha waxaa uu yiri waxaan Magacaabaya Gudi Maamul usameyn Jubbaland Gudigaas waxaa uu ka kobanyahay 9 xubnood Beesha Marexaan oo jubbaland ka dagta 7 Dagmo iyo haf waxaa uu siyay 1 xubin oo gudigaas ka tirsan Beesha Gaaljecel oo ayaduna aan Dagmo buuxda Jubbaland kula hayn 1 xubnood sido kale waxaa isku qayb qatay Beesha Shekhaal iyo Beesha Absame sido kale waxaa isku qayb qatay beesha Harti iyo Beesha Baajun halkaas waxaa ka muqata Cadaalad darada uu madaxweynuhu damcay in uu ku dhiso Gudigi laga diiday.
Xog aruurin badan oo lasameyay waxaay tilmaamaysa in qaladka ugu badan uu ka imanaayo dhanka Dowlada Somalia oo ayadu diyaar aan u hayn in deeganada Jubbaland u Maamul Goboleed ka hergalo.
Ugu danbeyn Dowlada waxaa la gudbon in ay taagerto Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo marna aan baqan doonin wa lo ogolyahay in ay so dirsato korjoogto ka soo qayb gasha Shiweynaha Jubbaland ee ka dhacay Kismaayo balse marna lama aqbali doono in ay soo magacowdo Governatoore Gobolka Dastuurkana kuma taalo.
Xog aruurin badan oo lasameyay waxaay tilmaamaysa in qaladka ugu badan uu ka imanaayo dhanka Dowlada Somalia oo ayadu diyaar aan u hayn in deeganada Jubbaland u Maamul Goboleed ka hergalo.
Ugu danbeyn Dowlada waxaa la gudbon in ay taagerto Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo marna aan baqan doonin wa lo ogolyahay in ay so dirsato korjoogto ka soo qayb gasha Shiweynaha Jubbaland ee ka dhacay Kismaayo balse marna lama aqbali doono in ay soo magacowdo Governatoore Gobolka
http://kismaayo24.com/?p=48213



