Xaflad lagu taageeray Fowsiya Yuusuf X. Adan oo ka dhacday C/waaq
Nov 9, 2012
CAABUD-WAAQ. Waxaa maanta degmada Caabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galgaduud lagu qabtay xaflad lagu tagereeyo raysal-wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimada dibadda Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan.
Cuqaal, waxgarad, culumaa’uddiin hooyooyin iyo dhalinyaro ayaa kasoo qayb galay xafladdaas waxayna muujiyeen dhammaantood inay taageero u hayaan magacaabiska xilka oo doortay Fowsiya Xaaji Aadan.
Waxay dadki halkaa isugu yimid ka dhawaajiyeen inay aqoon u leeyihiin Fowsiya.
Waa isku soo bixii saddexaad oo ka dhaca Caabudwaaq oo loo sameeyay madaxweyna, raysal-wasaaraha iyo wasiirka arrimada dibadda.
http://toosiye.com/?p=582
.






