Muran xoogan oo ka taagan Maamulida Gobolka Hiiraan
Waxaa bilahaanba si hoose loo xalinayay Muran u dhexeeya Beelaha Dega Gobolka Hiiraan kuwasoo qaarkood si xoogan uga soo horjeedaan Maamulka ay Dowladu usoo magacawdey Gobolka ee gacanta ku hayay tan iyo markii Al-shabaab laga saarey Baladweyne, Xalka la doonayay in laga gaaro in isfahan la dhex dhigo beelahaas ayaa círka isku shareerey ka dib markii Beesha Xawaadle ay kasoo horjeesteen qorshihii miiska lasoo saarey.
Beelaha qaar ayaa ku andocoonaya in Gobolka Hiiraan uu yahay labo Gobol loo bahan yahay in labo Maamul loo sameeyo, iyagoo gacanta ku heysta Wareegtadii uu soo saarey Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed ee uu ku magacaabey Gobolka Shabeelaha Sare.
Muranka iyo Khilaafkaan xoogan ee u dhexeeya Beelaha wada dega Gobolka Hiiraan ayaa hada dacwadiisa loo gudbiyey Ciidamada Itoobiya ee iyagu Gacanta ku haya Gobolka, Odoyaal dhaqameedyada deegaanka qaarkood ayaan u dacwoodey Dowlada Itoobiya.
Dowlada Federaalka ayaa lagu eedeynayaa inay kala xigsaneyso Beelaha dega Gobolka, waa sida uu sheegey mid ka mid ah Odoyaasha dhaqanka.

The source: propaganda maker puntlandi.com
Lol they even don't know who divided hiraan into two gobols and that shabeelada sare is exclusive hawadle land or 95 percent and its where the biggest subclans live from buuloburde to maxaas at ceelbuur.
Let alone the hiraaan governor, alwways the mayor of baladweyne is also hawadle even under your AY like dabageed aand adan garaso. Or even under al shabaab like sh yusuf ugaas.
These propaganda makers are thinking hiiraan like jubadahoose lol