Page 1 of 1

Pres Turtle talks again about Kenya's region Jubbooyinka

Posted: Wed Nov 14, 2012 1:19 pm
by AhlulbaytSoldier
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay qorshihiisa ku aadan Jubooyinka.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in loo baahanyahay in maamul leesku raacsanyahay loo sameeyo gobalada Jubooyinka oo haatan deegaano ka mid ah laga saaray Al-Shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maamulka loo samaynayo gobladaan uu yahay mid ka imaanaya shacabka daga deegaanadaan isla markaana ay raali ku yihiin.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya mar walba ay ka soo horjeedo wax walba oo keeni kara in ay colaad ka dhacdo deegaanada gobalada Jubooyinka taasi oo salka ku haysa maamul u samaynta.

Sidoo kale wuxuu intaasi uu ku sii daray hadalkiisa Madaxweynuhu in shacabka ka soo jeeda gobaladaasi iyo waliba siyaasiyiinta looga baahanyahay in ay ka fikiraan aayaha gobaladaan.

Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale uu sheegay in xiligaan ay socdaan wadahadalo lagu dhamaynayo wax walba oo qilaaf ah oo horay u jiray isla markaana looga tashanayo mushataqbalka gobnaladaan.

Re: Pres Turtle talks again about Kenya's region Jubbooyinka

Posted: Wed Nov 14, 2012 1:23 pm
by Murax
President Xassan :up: :som:

Re: Pres Turtle talks again about Kenya's region Jubbooyinka

Posted: Wed Nov 14, 2012 3:01 pm
by Mondey
since when is jubbooyinka a Kenyan affair? :lol: