
Xisbi siyaasadeed oo loogu talagalay Puntland oo maanta looga dhawaaqay Nairobi
Xisbi Siyaasadkaan oo lagu magacaabo Puntland Democratic Part PDP, ayaa ah xisbi cusub oo kusoo biiray saaxada siyaaasada Puntland, ayadoona maanta xisbigaas si toos ah looga dhawaaqay.
Munaasabada ay kasoo qeyb galeen dad iskugu jiro Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo waliba Salaadiin, oo ka dhacday Magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa waxaa kahadlay Shiiq Khalii fGuure oo ah Gudoomiyaha Gudiga Guurtida ee Odayaasha Jubbooyinka ayaa ku booriyay madaxda Xisbiga iney si wanaagsan wax ugu qabtaan shacabka ku dhaqan deeganada Puntland.
Gudoomiyaha Xisbigaan PDP, oo ah siyaasi lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xaaji Salaad oo kumagac dheer Dr. Wilyam, ayaa sheegay in xisbigaan uu wax weyn ka qabandoonto arrimaha horumarka deeganada Puntland iyo democratiyada, islamarkaan uu asagu u sharaxan inuu kaqeyb qaato tartanka Doorashooyinka kadhici doonto deeganada Puntland.
Wuxuu kaloo sheegay Gudoomiyaha xisbiga PDP Dr. Wilyam, in xisbiga PDP uu u furan yahay dhamaan dadka ku dhaqan deeganada Puntland ayna kaqeyb qadaan karaan.
Xisibgaan ayuu sheegay inuu dhawaan xafiisyo ka furan doono dhamaan deeganada uu ka arrimiyo maamul gobaleedka Puntland.
Dr. Abdirahman Wilyam, ayaa ah siyaasicaan ah oo siyaasada Somalia ku jiray mudo dheer asagoona sanadihii danbe kunool wadanka Mareynkanka.
Dhawaan ayaa waxaa laga hirgaliyay deeganada uu ka arrimiyo maamul gobaleedka Puntland nidaamka axsaabta badan ayadoo Xisibgaan uu noqon doono kii labaad, marka lagasoo tago xisbiga Horseed oo dhawaan uu ku dhawaaaqay madaxweynaha dowlad gobleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr Abdirahan Faroole








