Dagaal Kenya Gaadiid looga Gubay oo Gudaha Kenya ka socda.
Thursday, 22 November 2012 09:16 Abuu Dar
Khasaara xoogan ayaa ciidanka kuffaarta Kenya kasoo gaaray weerar dhabagal ahoo lagula eegtay gudaha dhulka Somaalida ee Kenya xoogga ku gumaysato.
Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Haamey oo Waqooyi Bari katirsan ayaa xaqiijinaya in dagaal saacado qaatay uu ka socdo waxaana halkaasi isku haya ciidanka muslimiinta iyo kuwa kuffaarta Kenya.
Ilo wareedyo laga helay dadka deegaanka Haamey ayaa sheegaya in jugta madaafiicda iyo rasaas xoogan laga maqlayo goobta.
Warar hordhac ah waxay xaqiijinayaan in 2 gaari oo ay wateen ciidanka Kenya lagubay welina dagaalku socdo, gaadiidka laga gubay Kenya ayaa kala ah Biijii oo ciidan waday iyo gaari Kooyal ah.



