Moderator: Moderators






dude stopit already!!^You deny the fact there was a anti-Finger protest? This pic may be from that protest or it may be from a previous one. I cant frankly tell but there was a Anti-Faroole protest and you want to hide this fact

Stop lying brodude stopit already!!
there was no protest what so ever in Qardho today.
all those pics re from the prev 'protest'
all reer Qardho loves the president , i am reer qardho i should know
Mudaaharaad Ka Socda Qardho Iyo Madaxweynaha Puntland Oo Halkaas Ku Wajahan (UPDATED)NOVEMBER 23, 2012 20 COMMENTS
Mudaharaad 21 September ka dhacay magaalada Qardho oo loogu soo horjeedo qorshaha dowlada ee xil kororsiga
Wararka aan ka heleyno caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay ina saaka hiirtii magaalada Garoowe ka baxay Madaxweynaha Puntland, Safarka Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Qardho halkaas oo saddexdii todobaad ee u danbeeyey laga hadalhayey imaan shihiisa isaga oo marar badan arrimo farsamo uga baaqsadey.
Madaxweynaha waxaa ka soo horeeyey ciidamo ka kala yimid magaalooyinka Garowe iyo Bosaso, sidoo kale waxaa ka baxay magaalada Qardho Wasiirka Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan iyo ciidamo uu wato si madaxweynaha ay uga hortagaan.
Mudaaharaadka magaalada ka bilowdey.
11: 48:00 Updated: War hadda soo gaarey Horseed Media ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu soo gaarey magaalada isla markaana uu dhexmarey laamiga oo wada qiiqaya oo taayiro ka gubanayaan, waxaana la geyey guriga Xildhibaan Siciid Cabdullaahi Deni, maadaama gurigii Martidu uu yahay mid qabyo ah weli.
Dhanka kale laba qof ayaa ku dhaawacantey rasaastii ay ridayeen ciidanka Booliska iyo kuwa Madaxtooyada, Horseed media oo la xiriirtey isbitaalka guud ee magaalada ayaa loo sheegay in la gaarsiiyey halkaas labo qof oo dhaawac ah kuwaas oo kala ahaa wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo Faarax Axmed Ciise Gurey iyo gabadh magaceeda nalooku sheegay Sahra Ayax, waxaana ay ka m id ahaayeen dadkii ka qaybqaadanayey mudaaharadkii lagu diidanaa xili kororsiga madaxweynaha Puntland
Waxyar kadib markii ay magaalada soo gaartey in Madaxweyne Faroole uu soo dhawyahay waxaa is qabsadey dadweyne aad u caraysan, kuwaas oo taayiro ku gubey jidadka magaalada, isla markaana soo qaatey boorar ay kuqoranyihiin Dooni meyno xili kororsi, doonomeyno keli talisnimo, doorasho hala qabto iyo erayo kale.
Ciidanka amaanka oo markii hore jidadka xirey ayaa dadweynuhu jiireen, waxaana la maqlaayey rasaas ay ciidanku ridayeen. Mid kamid ah dadka mudaaharaadayey oo Horseed Media khadka Telefonka ku weydiisey sababta ay madaxweynaha ugu mudaaharaadayaan, ayaa yiri: Ma diidanin in Madaxweynuhu booqan karo magaalada Qardho taas oo aanu waxba u qaban 4 tii sano ee xukunka hayey, waa magaaladiisi, waa meeshii loogu soo dhaweeyey si aan Garoowe loogu soo dhaweyn markii uu Musharaxa ahaa, waxaan diidanahay waa ballan darada iyo ku tumashada dhaartii uu dadka u dhaartey in uu u adeego muddo 4 sano ah isaga oo hadda tumaaya durbaan la yiraahdo Dimoqraadiyad, taas oo aan u aragno arrin xaq ah laakiin baadil loola jeedo iyo xilli kororsasho, waana la yaqaan wadada dimoqraadiyaddu iyo waxay u baahan tahay, laakiin magaaladu waa magaaladiisi imaashihiisa looma diidana, waana xaq aan leenahay in aan muujino in aan diidanahay muddo kororsi, Dastuurkuna awoodda shacabka ayuu siiyey ayuu yiri Axmed Xaaji Cali oo kamid ahaa dadkii mudaaharaadayey.
Subaxnimadii hore ee saakey ayaa maamulka degmadu ku wargeliyeen suxufiyiinta in aysan ka qaybqaadan karin soo dhaweynta Madaxweynaha, waxaana ay sheegeen in go’aankaasi ka yimid madaxweynaha Puntland, arrintaasna dad gaar ah lo xilsaarey,
Sidoo kale maamulka ayaa ka codsadey ninka magaalada Jaadka ama Qaadka keena oo la yiraahdo OBOBAAY ama Daahir Axmed Ruke in uu soo dhaweynta isagu masuul ka yahay, waxaana uu kireeyey labo gaari oo nooca waaraadka loo yaqaan. waxaana uu tegey xerada ay ku jiraan dadka soo barakacay ee Shabeele, waxaana uu caruurtii iskoolka ku khasbey in ay gawaarida soo fuulaan, markii uu laba jeer magaalada la dhexmarey laba gaari oo ay ka buuxaan caruur iyo Qaadwalayaal mudaaharaadkuna bilowdey ayuu ka baxay magaalada isaga oo aadey dhanka Garoowe si uu caruurta Barakacayaasha uga horgeeyo madaxweynaha.
Updated: Rasaas ka bilaamatey magaalada
War hadda soo gaarey Horseed Media ayaa sheegaya in magaalada rasaas xoogleh ka dhacayso taas oo ay ridayaan ciidamada Booliska iyo kuwa Madaxtooyada, waxaana loo diidey dadkii mudaaharaadka watey in ay sii wataan mudaaharaadkoodi taas oo kaliftey in dariiqyada la isku oryoodo iyada oo aan weli magaalada aanu soo gaarin madaxweynuhu.






LOOOOL!@Substance:
I don't know, but there can't be a qabiliste-Otaku, it just can't, right?

LOOOOL!@Substance:
I don't know, but there can't be a qabiliste-Otaku, it just can't, right?![]()
Im not qabilist bro and not Otaku. So in one way you are right. There cant be a qabiliste-Otaku. It aint right.
lol@ pic of light yagami

Agent stop trolling in my thread![]()
![]()
okthanksbye

Return to “Politics - General Discussions”
Users browsing this forum: No registered users and 27 guests