Ciidamada Mujaahidiinta ee Muqdisho ayaa xalay madaafiic la dhacay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoona madaafiicdaasi ay geysteen khasaare naf iyo mid hantiyeed.
Wararka saaka la helayo ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 madfac ay ku dhaceen Madaxtooyada iyo xarumaha ku teedsan ee saldhigyada u ah maleeshiyaadka DF iyo ciidamada shisheeyaha.
Ilo wareed masuul ah ayaa xaqiijiyay in 3 ka mid ah madaafiicdaasi ay ku dhaceen hooyga uu R/Wasaaraha DF Cabdi Shirdoon Saacid ka degan yahay gudaha madaxtooyada, halkaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.
Sidoo kale warar ayaa sheegaya in albaabka hore ee hooyga madaxweynaha DF ay ku dhaceen madaafiic walow ay adag tahay si rasmi ah in loo xaqiijiyo qaabka madaafiicda ay ugu dhaceen xarumahaasi iyo dhismayaasha kale ee ay degan yihiin Wasaaradaha.
Sarkaal ka tirsan Mujaahidiinta ayaa noo sheegay in xalay dhowr madfac ay ku rideen Madaxtooyada waxaana uu tilmaamay in duqeymaha qaarkood ay ku beegsadeen xarunta Golaha Fisqiga iyo Fasaadka ee loogu yeero Tiyaatarka.
Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka DF iyo shisheeyaha ay gabbaadka ka dhigtaan, balse weerarkan wuxuu hal bacaad lagu lisay iyo wax ka ma jiraan ka soo qaadayaa hadallo in badan warbaahinada ay ka sheegayeen madaxda DF oo ku aadan in ay adkeeyeen amaankooda ayna ka hortagayaan weerarada qorsheysan.
Soomaalida ayaa tiraahda Madaxa meel ka koreysa oo la taabto ma jirto..DF iyo shisheeyaha ay wadato waxaa ku haboon in la yiraahdo..Madaxtooyada oo madaafiic lagu garaacayo ka dib, madaxaa idin dhiman?








