Postby Oba » Thu Dec 20, 2012 9:59 am
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalo maanta ka dhacay Xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, kaasoo dhex maray dhinacyada gacanta ku haya magaalada, iyadoo xiisad xoog leh ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah magaalada.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkii ka dhacay la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid yihiin gaadiidka dagaalka, waxaana ilaa iyo hada la xaqiijiyay dhimashada ilaa shan ruux iyo dhaawaca tiro kale oo ay ku jiraan dhinacyada dagaalamay.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka u dhaxeeyay qeybo ka tirsan ciidamada dowladda oo gadood sameeyay, kuwaasoo isbaarooyin dhigtay, waxaana weeraray maleeshiyaad taabacsan garabka Raaskambooni oo ka mid ah maamulayaasha Kismaayo.
C/naasir Seeraar oo ka mid ah Saraakiisha Raaskambooni ayaa beeniyay in magaalada uu ka dhacay iska hor imaad, isagoo xusay inay jiraan kooxo jidgooyo dhigtay, kuwaasoo uu tilmaamay in laga kaxeeyay.
"Niman dhalinyaro oo lix nin ah ayaa ciidanka nabadgelyada ka kaxeeyeen jidgooyooyin wax dhib ah iyo wax qasaare ah ma jiro, warkaas waa barobagaan dhinaca warbaahinta, magaalada Kismaayo waa fiican tahay"ayuu yiri C/naasir Seeraar oo la hadlay BBC-da.
Mar la weydiiyay xabadaha magaalada laga maqlayay waxa ay ahaayeen ayuu sheegay in rasaas ay mar walba ay dhacaan, isla markaana ay ridaan ciidamada, hase ahaatee aanay wax dagaal keenay aanay aheyn xabadaha sida uu yiri.
"Dhibaatada ugu badan waa warbaahinta ilaa maalintaa imaanay waxay dhahayeen dagaal ayaa jira waxaas waa waxba kama jiraan, niman meel kontarool istaagay ayaa meesha laga kaxeeyay, anaga waxaa nahay hal ciidan hal cadaw ayaana leenahay"ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ka mid ah mudanayaasha ka soo jeeda Jubooyinka oo la hadlay idaacadaha maxaliga ah ee Kismaayo in wax laga xumaado tahay in magaalada uu dagaal ka dhaco, isla markaana magaalada lagu dagaalamo markii Al-Shabaab laga saaray, waxaana uu ku baaqay in xiisada la qaboojiyo.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada ayaa sheegaya in rasaas mararka qaar laga maqlayo wadada aada garoonka diyaaradaha, Xaafada Calanley iyo halka lagu magacaabo Dalcada, waxaana jira ciidamo meelaha qaar soo buuxiyay.
Magaalada Kismaayo ayaa caan ku aheyd sanadihii u dambeeyay dagaalada dhex mara dhinacyada magaalada wada dega, kuwaas oo isku qabta maamulka magaalada iyo dhaqaalaha ka soo xarooda magaalada.