Hogaamiyaha Raaskambooniyiinta oo Muqdisho booqanaya.
Wararka warbaahinta Puntlandi ka helayso magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa xaqiijinaya in hogaamiyaha ururka Raaskambooniyiinta Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) uu maalmaha soo socda booqan doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kadib casumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dawlada Soomaaliya.
Wararku waxay sheegayaan in Sheekh Axmed Maxamed Islaan uu Muqdisho u tagayo wada xaajoodyo la xiriira sidii dawlada Soomaaliya ay uga shaqayn lahayd hormarinta magaalada Kismaayo islamarkaasna madaxda dawladu ay uga caawin lahaayeen dadka deegaankaas inay dhamaystirtaan maamulka loo samaynayo deegaanadaas iyadoona imika madaxda ugu saraysa dawlada Soomaaliya ay ku mashquulsanyihiin xaga daacin dhinaca maamulkaas ah oo aysan si wanaagsan uga shaqaynayn dhismaha maamulka jubooyinka iyo Gedo.
Dad ku dhowdhow Axmed Madoobe ayaa xaqiijinaay in ay sii raaci doonaan Gudoomiyaha xubno katirsan ciidamadii kismaayo ka xoreeyey Alshabaab iyo xubno kamid ah gudiga farsamada ee ku mashquulsan maamul u samaynta deegaanada Jubooyinka Iyo Gedo waxaana ay booqashadani noqonaysaa midi ugu horaysay oo uu halkaas ku tago isagoona xiriir wanaagsan la lahayn madaxda dawlada imika jidha.
Dhinaca kalena waxaa la qorshaynayaa magaalada Addis-ababa ee caasimada dalka Ethiopia ay horaanta bishaan isku arkaan xubno ka socda urur goboleed Igad iyo Midowga afrika iyo madaxweynaha dawlada Soomaaliya kuwaasoo dhaliilsan qaabka ay dawlada imika jidhay uga shaqaynayso xagal daacinta iyo burburinta maamulka lagu mashquulsanyahay ee loo samaynayo deegaanada Jubooyinka iyo Gedo kuwaasoo ay ku mashquulsanyihiin samayntiisa dadka deegaanka oo gacan ka helaya ururka midowga afrika iyo urur goboleedka Igad.






