Ciidamada Dowlada iyo Raaskambooni oo ku dagaalay Kismaayo
7. januar 2013
Wararka Magaalada Kismaayo laga helayo maanta ayaa sheegaya in Iska hormaad u dhaxeeyay ciidamada Dowlada soomaaliya iyo Raaskambooni uu ka dhacay.
Dadka reer Kismaayo ayaa maanta iyagoo ku jira howlahoodii caadiga ahaa waxaa ay la kulmeen risaas teel teel ah oo magaalada ka dheceysay.
Labada Ciidan ayaa dhufeysyo waxay ka qoteen xaafadaha magaalada kuwaas oo heegan buuxa kukala jira.
Sababta ka dambeysa dagaalka ayaanan cadeyn laakiin saraakiisha Dowlada ee Kismaayo oo warbaahinta Muqdisho la hadlay waa ay sheegeen jiritaanka dagaalka balse waa ay ka gaabsadeen.
Waa Markii labaad ee Jabhada Raaskambooni ay kula dagaalaan kismaayo ciidamada Dowlada soomaaliya.iyadoo saacadihii lasoo dhaafay dilal kal duwan loogu geystay Kismaayo ciidamada jooga halkaas.
http://www.allpuntland.com/2010/anmviewer.asp?a=938&z=1



