Qaraxyo dhimasho iyo dhaawac sababay oo maanta ka dhacay Muqdisho
Qaraxyo miino iyo bam kuwa gacanta laga tuuro ayaa maanta siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ay geysteen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxyadan ayaa waxaa ku dhintay ilaa labo ruux, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana mid ka mid ah qaraxyada lala beegsaday gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Warar kala duwan ayaa markii hore ka soo baxaya qaraxa lala eegtay gaariga Xildhibaanka oo marayay Xaafada Buulo Xuubey, kaasoo nuuciisa ahaa Qooqan, waxaana la sheegayay inuu ku dhaawacmay, halka wararkena ay tilmaamayeen inuusan saarneyn gaariga.
Sidoo kale waxaa qarax miino oo xigay bam gacmeed uu abaarihii duhurkii ka dhacay agagaarka Warshadii caanaha, iyadoo lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay labo ruux, halka sadex kale ay ku dhaawacmeen, sida dad goob joogayaal ay sheegeen.
Dhinaca kale qof rayid ah ayaa lagu dilay Xaafada Via Liberia ee degmada Waabari, waxaana la sheegay in kooxo hubeysan ay toogteen.
Shaqaaqooyinkan maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya, iyadoo Xukuumada Soomaaliya ay sheegtay in ammaanka magaalada Muqdisho uu yahay mid sugan.
They can attack whatever they want, but the militia of qabilist terrorist axmed godane will never break down our will.





