DAAWO SAWIRRADA:- in ka badan kun qof oo lagu soo qabtay howlgal
Published on January 15, 2013 by Canab · No Comments · 2,650 views
Ciidamada Booliska Soomaaliyed iyo kuwa Nabad sugidda Qaranka ayaa xalay iyo maanta qaaday Howlgallo balaaran oo ay ka sameeyeen dagmada Wadajir ee Gobalka Banaadir iyadoo howlgalkaasina lagu soo qabqabtay in ka badan kun qof kuwaas oo baaritaano ay ku sameeyeen laamaha amaanka.
Howlgalkan oo ay si wadajir ah u filiyeen Ciidamada Booliska, Nabad sugidda iyo ciidamada illalad gaarka ah ee Madaxtooyada Qaranka ayaa laga sameeyay xaafado ka tirsan dagmada Wadajir ee gobalka Banaadir.
Howlgalka oo bilaawday xalay Saqdii dhexe ayaa ciiidamadu ay guri guri u baareen xaafadda Buula Xuubeey, Nasteexo iyo xaafado kale oo isla dagmada ah iyadoo ciidamadu ay si nabadgalya ah dadka u kala saarayeen.
Taliyaha booliska Gobalka Banaadir Jeneral Axmad Xasan Maalin ayaa howlgalka kadib warbaahinta u sheegay in dadka la soo qabqabtay la kala saarayo isla markana aysan suurta gal aheyn in magaalada dhexdeeda ay isaga dhex dhuuntaan shaqsiyaad amaanka qatar ku ah Qasabna ay tahay in howlgalka la joogteeyo.
Taliyaha Nabad sugidda gobalka Banaadir Khaliif Axmed Erag ayaa sheegay in howgalkii uu qaatay muddo sideed sacaadood ah laguna soo qabqabtay 1714 qor hase ahaateen la reebay 114 kuwaas oo lagu hayo tuhuno cadeyn kara in ay xiriir la leeyihiin maleeshiyaadka argagixisada ah ee al shabaab.
Afar iyo laabaatankii saacadood ee la soo dhaafay ayaa ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed waxa ay labalaabeen howlgalada lagula dagaalamayo haraadiga maleeshiyaadka kooxda al shabaab iyo kooxaha kale ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan xisiloonada magaalada Muqdisho iyadoo howlgaladaasina ay aad u mahadiyeen dadweyanaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.
Jareer terrorists