Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ee ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay ilaa iyo labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya.
Askarta la dilaya ayaa waxaa maxkamadu ay sheegtay in loo soo qabtay danbiyo la xariira kufsi iyo waliba dil, isla markaana baaritaan lagu sameeyay ka dib uu ku cadaaday.
Labadaan Askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya iyo waliba ciidamada Xooga dalka ayaa waxaa lagu toogtay barxada iskool Bulusiyo ee magaalada Muqdisho.
Halka uu ka dhacay xukunkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan cdowlada iyo waliba masuuliyiinta maxkamada ciidamada Qalabka sida ee dowlada Soomaaliya.
Xukunkaan ayaa noqonaya kii ugu horaysay oo maxkamadu ay ku filiyo askar loo soo qabtay falal la xariira in ay kufsi u geesteen Haweeb Soomaaliyeed.
Madaxda ugu saraysa dowlada Soomaaliya ayaa horay waxay amar ugu bixiyeen askarigii kufsi kula kacaa haweenay Soomaaliyeed in xukunkiisu uu noqdo dil, isla markaana dowlada aysan wax naxariis ah u samayn doonin.
http://www.raxanreeb.com/2013/01/maxkam ... iba-kufsi/
Xaqii wuu ku soo laabtey Soomaliya 






