Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Madaxda Midowga Yurub
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso
Arbaco, January 30, 2013(HOL): Sidii aad la socoteen waxaa maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Belgium madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo, kaasi oo martiqaad ka helay Madaxda sare ee Midowga Yurub.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Mr.Herman Van Rompuy, kaasi oo madaxweynaha si diirran ugu soo dhaweeyay xarunta Midowga Yurub. Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo bogga cusub ee Soomaaliya u bilowday kaddib dhowr iyo labaatan sano oo dhibaato iyo dowlado ku meel-gaar ah ahaa.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu sidoo kale xarunta Midowga Yurub kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso, kaasi oo ay kulankooda iskula soo qaadeen arrimo ay ka mid ahaayeen xiriirka labada dhinac, xaaladda Soomaaliya, mustaqbalka Soomaaliya iyo wada shaqeyn dhexmarta labada dhinac.
Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso oo kulanka kaddib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya uu furmay bog cusub oo ay dadka Soomaaliyeed aayahooda uga tashanayaan, wuxuuna caddeeyay in intii uu socday kulankii ay madaxweynaha Soomaaliya yeesheen ay isla garteen muhiimadda joogteynta dowlad laga wada qeybgalay oo ku shaqeysa la-xisaabtan iyo cadcaddaan, sidoo kalena la xushmeeyo xuquuqda aadanaha iyo xorriyatul-qowlka. Jose Manuel Barroso waxaa uu hadalkiisa ku sii daray in ay Madaxweynaha Soomaaliya ka wada hadleen sida uu Midowga Yurub ku caawin karo si loogu guuleysto arrimahaas.
Midowga Yurub ayaa wuxuu yahay deeq-bixiyaha ugu weyn ee kaalmeeya Soomaaliya, wuxuuna Soomaaliya ku bixiyay nus Bilyan Doollar tan iyo sanadkii 2008. Sidoo kalena Midowga Yurub wuxuu sanadkan bixiyay lacag dhan 60 Milyan oo EURO, taasi oo uu ku bixiyay dhinaca kaalmada bani’aadannimo.








