War dag dag ah: Saxiixeyaashi iyo Gudigii Farsamada oo ka guuray Nairobi una Guuray Kismaayo .
admin | Feb 08, 2013 | 0 comments
Wararka naga soo garay Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya ayaa waxaay tibaxayaan in manta Magaaladaasi ay ka anbabaxeen Wafdi balaran oo ka kooban Saxiixeyaasha Qorshaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo iyo Gudiga Farsamada Maamul usameynta.
Wafdigaan oo ka koobna 33 xubnood ayaa waxaa hogaaminayay Gudomiyaha Gudigaasi Sh Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax waxaana Magaalada Nairobi ka qaday Labo diyaaradood oo laga leyahay Wadanka Kenya.
Wariyaha Kismaayo24 ee Magaalada Kismaayo Cabdikhadar Imaan dhaqane ayaa waxaa uu soo shegaya in wafdigaan balaran ay manta soo gareen Magaalada Kismaayo islamarkana la dajiyay Jamacada Kismaayo oo lagu wado in uu ka furmo Shirweynaha Jubbaland.
Wafdigaan ayaa waxaay isla caawa bilaabayaan kulamo ay la qadanayaan ila 15 beel oo wax ka dagta Jubboyinka iyo Gedo kuwaas oo si buuxda loga tala galin doono dhismaha Maamulkaan.
Warar si hoose ay Kismaayo24 u heshay ayaa waxaay tibaxayaan in xubnaha Wafdigaani ay ka mid yihiin Gen Gabre Tedesa iyo Bukaji Gabreil oo ayagu wayadaanba ku socday Magaca IGAAD.
Wixii warar ah ee kusoo kordha Safarka Masuliyiintaasi kala soco Warbaahinta Kismaayo24.com oo aad uga barateen wararki ugu danbeyay ee jubboyinka iyo guud ahaan Somalia.






